6-da dabeecadood ee ugu soo jiidashada badan (iyo sida lagu yeesho)

Waxaa jira dabeecado lagu noqdo qof la jecel yahay, laakiin in la yeesho dabeecadahaas ma sahlana.

Si kale haddaan u dhignana, waa wax uu qofka isbari karo haddii uu ku dadaalo.

Mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn dabeecadahaas waa kalsoonida shakhsiga.

Inaad tahay qof isku kalsoon waxaad ku soo jiidaneysaa dadka kale, qof walbana wuxuu jeclaanayaa inuu kula shaqeeyo ama waqti kula qaato.

Taas waxay ka dhigan tahay, quruxda jirka oo kaliya ma aha waxyaabaha dadka lagu soo jiito ama lagugu jeclaanayo.

Quruxda waa hal qodob oo ay eegaan qayb yar oo ka mod ah bulshada waqtigan casriga ah.

Laakiin soo jiidashadu waxay inta badan ku xidhan tahay hab dhaqanka qofka iyo nooca dabeecadda uu leeyahay ee maalin walba uu kula dhaqmo dadka uu ku dhex jiro.

Qof ayaa laga yaabaa inuu si fudud aad ugu jeclaado shakhsiyaddaada oo kaliya, waliba uu qofkaas kaaga helo si waalli ah.

Ka helitaankaas wuxuu la mid yahay ama ka sii xeel dheer yahay kan qofka loogu jeclaado muuqaalkiisa.

Balse mar kasta waxaaba muhiim ah in waxa lagugu dooranayo ay tahay dabeecaddaada maadaama qurux aysan meelna kasoo galin wada dhaqanka labada ruux.

Haddaba waxaa jira dhowr dabeecadood oo qof walba uu jeclaan lahaa inuu yeesho si uu dadka u soo jiito.

Waxay sabaan inaad farxad galiso cid walba oo wax kula wadaagto ama aad meel isgu imaataan.

Dadka qaarna waxay dabeecadahaas ku helaan si dabiici ah oo uu Alle hibo uga dhigay.

Iska eeg dabeecadahan, haddii aad wada leedahay nasiibkaaga ku mahdi Alle, haddii kalena dadaal samee.

1- Dhageysiga: Inaad tahay qof dadka kale dhageysta marka ay kula hadlayaan

2- Naxariis: Inaad tahay qof naxariis badan oo u roon cid walba

3- Dhoollacaddeyn: Qofka sida joogtada ah u dhoollacaddeeya waa mid ka mid ah dadka ugu soo jiidashada badan

4- Qosolka: Sidoo kale qosolka aan xad dhaafka ahayn ee macquulka ah waa dabeecad soo jiidasho leh

5- Kalsooni: Furaha dabeecadaha soo jiidashada leh waxaa lagu tilmaamaa Kalsoonida Shakhsiga

6- Fahamka: In qof kasta la dhageysto oo fursad uu ku hadlo la siiyo waa muhiim, laakiin waxaa kasii muhiimsan in la fahmo wax uusan afka ka sheegin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *