6 calaamadood oo kuu sheegaya inaad qabto wadne xanuun

Digniinahan waxay kuu muujinayaan in wadnahaaga uusan u shaqeyneynin sidii loo baahnaa.

Dhammaan calaamadaha aan xusi doonno waxay kasoo muuqanayaan jirkaaga, islamarkiina waad ku baraarugi kartaa dhibaatada kaa heysata wadnaha.

Fadlan haddii aad isku aragto qaarkood ama kulligoodba si deg deg ah ula xiriir dhakhtar si laguu daweeyo xilli habboon.

1- Xanuun ku fida gacanta

Niman badan ayaa la kulma xanuun gacanta bidix ah, halka dumarkuna ay xanuunka noocaas ah ka dareemaan gacanta midig ama labada gacmoodba.

Dumarka qaarkood waxay xitaa sheegaan inay xanuun qeyrul caadi ah ka dareemaan xusulka ka hor inta uusan ku dhicin wadne xanuunka.

Arrintan waxay u dhacdaa maadaama xanuunka wadnaha uuu gudbo laf dhabarta oo  jirkaaga xukunta, halkaasoo neerfayaal badan ay toos ugu xiriiraan maskaxda. Marka ay maskaxda ku jah wareerto xanuunka laf dhabarta soo gaaray ayaa laga yaabaa inay toos ugu gudbiso gacanta.

2- Qufac aan dhammaad lahayn

Qufaca inta badan wuxuu ka dhashaa cudurrada fayrasyada ka imaada laakiin wuxuu sidoo kale astaan u noqon karaa wadne xanuunka.

Haddii qufaca uu joogto noqdo dhiigna uu soo raaco waxay u badan tahay in dhibaato xoog leh ay ka jirto wadnaha.

Hase yeeshee qufaca waa mid ka mid ah calaamadaha yar yar ee ka diga wadne xanuunka marka lala barbar dhigo calaamadaha waaweyn sida neef qabatoonka.

3- Walwal xad-dhaaf ah

Daraasado dhowr ah ayaa muujiyay in dadka ka cawda walwalka xad-dhaafka ah iyo cabsida iyagoo aad u da’ yar ay halis ugu jiraan wadne xanuun.

Xanuunka walbahaarka ama ciriiriga nafta waxaa sababa xaaladaha adag ee qofka soo wajaha ama dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay naxdinta kadiska ah.

Qaar ka mid ah calaamadaha kale ee walwalka waa cadaadiska dhiigga oo xoogeysta iyo wadne garaac ka badan sidii loogu talagalay.

4- Cuntada oo laga go’o

Bukaanno badan oo uu ku dhacay wadne xanuunka waxaa lagu arkay in cuntada aysan ku fiicneyn ama aysan sii wadi karin marka ay dhowr jeer cantuugaan.

Sababta uu raashinka u qaadan waayay qofka waa in beerka agagaarkiisa uu ku qubanayo dhiig sidaasna uu caloosha uga celinayo inay si fiican u sameyso dheef shiidka.

Calaamadahan inta badan waxaa ku xiga calool xanuun. Haddii aad isku aragtana waa inaad dhakhtarta booqato.

5- Finan kasoo baxa maqaarka

Labo cilmi baaris oo kala duwan oo ay sameeyeen Wargeyska Allergy and Clinical Immunology iyo Wargeyska American College Cardiology ayaa muujiyay in finanka kasoo baxa maqaarka iyo calaamadaha mad madow ee jirka kasoo muuqda ay yihiin digniin toos ah oo ku aaddan inuu jiro wadne xanuun.

Dadka calaamadahaas isku arka 48% ka mid ah waxaa suuragal ah inuu ku dhaco dhiig kar halka 29% ka mid ah ay halis ugu jiraan inuu sare u kaco cholesterol-ka jirkooda.

6- Miyir beel

Madax wareerkaiyo miyir beelka waa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu arko bukaannada qaba wadne xanuunka.

Marka wadnaha uusan si wanaagsan u garaacmeynin, qulqulka dhiigguna uusan toosneyn sababtu waa in ay jiraan waxyaabo xayiraya dhiigga.

Haddii aad dareento in ay neefta kugu yar tahay ama suuxdo waqti gaaban, deg deg ula xiriir dhakhtarka kuugu dhow, wadnahaagana hala baaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *