6 arrimood samee marka aad cafis raadinayso

Marar badan ayaa loo baahdaa cafiska, maadaama noloshu aysan ka marneyn is maandhaaf iyo xanaaq. 

Waa khasab in khaladka uu leeyahay hal qof, inkastoo mararka qaar uu dhaco isfaham waa nasiib darro ah.

Hase yeeshee waxaa habboon in loo degdego raalligalinta iyo cafis dalbashada.

Halkan waxaan ku eegeynaa 6 arrimood oo kuu fidudeynaya in durba lagu cafiyo.

Cilmi baadheyaasha Jaamacadda Ohio ayaa arrimahan ku taliyay kaddib markii ay daraasado sameeyeen iyagoo sheegay in qodobbadan ay muhiim u yihiin nooc walba oo khilaaf ah ama isku dhac ah.

1- Ka qoomameyn

Si laguu cafiyo, marka hore muuji in aad ka xun tahay wixii dhacay.

Adigoo xusaya wixii uu khilaafka ka billowday, muuji inaad jeclaan lahayd inuusan sidaas wax u dhicin.

Cafiska ugu dhakhsiyaha badan wuxuu imaadaa marka laga gudbo wixii la isku gafay, lagana qoomameeyo.

2- Sharraxaad

Xoogaa faahfaahin ah ka bixi sida ay wax u dhaceen adigoo sharraxaya in aadan qaabkaas wax u wadin ama si ulakac ah u sameynin.

Tusaale ahaan, u sheeg in aadan hadalkaas dhihi lahayn ama ficilkaas sameyn lahayn haddii aad ogan lahayd in sidaas looga xumaan doono.

Ama xitaa sharax in ay kaftan kaa ahayd.

3- Mas’uuliyad 

Qofka khaldka qiranaya waa inuu qaato mas’uuliyadda buuxda ee arrinta la isku gafay.

Marka aad mas’uuliyaddaada qaadato waxaa halkaas ka dhalanaya kalsooni iyo in qofkii uu soo dabco.

4- Inaysan soo noqonin

Waa inaad caddeyso sida aad diyaar ugu tahay in aysan arrintaas dib dambe u dhicin.

Waad ka hortagi kartaa inuusan isla khaladkaas mar kale soo noqonin.

5- Xallin 

Qofka aad khaladka ka sameysay u ballan qaad inaad ka daweybeyso qalbi jabka aad u geysatay.

Haddii laga cadhooday wax aad halleysayna, dib u  haben ku samee.

6- Codsi cafis

Si kasta oo aad wanaag u sameyso, ha illoonin inaad si rasmi ah u dalbato cafiska.

Qofka kaa xumaaday wuxuu jecel yahay inaad ka codsato cafis, raalligalinna siiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *