5 sababood oo ay ku fiican tahay in subixi la kaco 5AM

Haddii aad tahay qof dhafra waad labyaabeysaa markaad aragto qof hurdada ka kacaya 5-ta aroornimo. 

Waxay kula tahay inaydan macquul ahayn arrintaas ama qof walba oo xilligaas sariirta ka taga uusan fiyoobeyn.

Laakiin ogow waa dad kaa caqli iyo fikir fiican adiga, wax badan ayayna ka faa’iidaan waqtiga aad la fajacayso ee ay kacayaan.

Inta badan dadka horumarka ka gaara nolosha waa kuwa aroortii hore soo kaca waxaana jira sababo badan oo ku imaada arrintaas.

Haddaba kuwani waa shan ka mid ah sababahaas, adigana way ku anfacayaan haddii aad raacdo waddadaas.

1- Waxaad dareemeysaa firfircooni iyo Kalsooni

Marka aad soo toosto aroor hore, inta badan waxaad maalintaada ku billaabeysaa fahmad fiican iyo furfurnaan.

Waxaad ka fakareysaa suuragalinta waxyaabo badan oo u wanaagsan noloshaada iyo horumarkaaga.

Dabcan kumaba sii jirto marka aad shaqo subxeed aadeyso ama waxbarasho ku jirto.

Sidoo kale waxaad awood u yeelaneysaa inaad si fiican wax u xifdiso.

2- Hurdadaada ayaa kuu hagaageysa

Ma ogtahay in kicitaanka aroorta hore uu ka dhigan yahay inaad heleyso hurdo tayo fiican leh?

Waa macquul inaad la yaabto laakiin waa run!

Soo kicitaanka subaxa hore wuxuu jirkaaga u sahlayaa inuu isticmaalo tamarta, waliba sidii loogu talo galay, kaddibna waxaad hurdo u baahaneysaa xilli hore, oo ah waqtiga habboon.

Waxaa kale oo jira faa’iidooyin dhinaca maskaxda ah oo laga helo soo kicitaanka aroorta hore, sida in qofku uu farxad dheeri ah dareemo.

3- Waxaad heleysaa waqti aad ku qorsheyso maalintaada

Shanta aroornimo waa xilli ay shanqartu yar tahay, inta badan dadku jiifaan, cid ku mashquulineysana aysan jirin.

Waxaad heleysaa waqti kugu filan oo aad ku maareyso waxyaabaha aad maalintaas damacsan tahay.

Waad ka badbaadeysaa degdegga ku gala marka aad shaqo u socoto ama wax barasho aadeyso.

4- Waxaad yeelaneysaa hab dhaqan wanaagsan

Inta badan dadka habeenkii dhafra kuma fiicna fulinta ballamaha iyo la dhaqanka dadka kale.

Sababta ay taasi u dhacdo waa in qofka uu maalintii saacado badan ku qaato hurdo, haddii subax meel laga sugayana uu xaadiri waayo, xitaa haddii uu ballan qaaday.

Markaad la qabsato kicitaanka aroortii waxaa meesha ka baxaya dagaalkii aad saacadda la gali jirtay marka ay kugu kicineyso qeylo dhaanta.

Akhlaaqda wanaagsan waa mid ku anfaceysa adduunka iyo aakhiraba.

5- Waqtiga waxaad u isticmaali kartaa inaad jimicsi sameyso

Dabcan marka aad hurdada ka kacdo subax hore waxaad heleysaa dhowr saacadood oo dheeri ah, taasina waa fursad aad u isticmaali karto jimicsi.

Waxaa intaas sii dheer in waqtiga ugu haboon ee jimicsi la sameyn karo uu yahay subaxa hore, maadaama dhiiggaagu uu qabow yahay, qorraxduna ay qabow tahay.

Jimicsiguna waa lagama maarmaan, waayo wuxuu kordhiyaa awoodda caafimaadka qofka, wuxuuna ka hor tagaa cudurro badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *