7 arrimood oo lamaanaha u sahlaya in ay waligood wada joogaan

In nolol qoys la yagleelo ma aha wax sahlan, marka la eego caqabadaha idin soo wajihi kara iyo sida ay muhiimka u tahay in aad xiriirkiinna ilaalisaan.

Dad badan ayaa ku guuleysta imtixaankan oo noloshooda ku dhameysta farxad iyo reyn reyn, laakiin nasiib darro waxaa jira kuwo kale oo ay tallaabadu la rogmato, ugu dambeyntiina kala taga.

Haddii arrimahan aad ku dhaqantaan adiga iyo qofka jacaylkaaga ah waxaa hubaal ah in xiriirkiinnu uu awood yeelanayo, farxaddiinuna ay sii kordheyso marba marka ka dambeysa.

Xitaa haddii aad ugu yaraan 3 ka mid ah ku aragtid noloshiinna, waxaad ku socotaan waddada saxda ah.

1- ‘Waan ku jeclahay’

Qofka aad nolosha isla wadaagtaan ama xiriirka leedihiin ku dheh ‘waan ku jeclahay’ maalin kasta ugu yaraan hal mar.

Aad bay muhiim u tahay in aad si joogto ah muujiso sida aad ugu faraxsan tahay jacaylkiinna, ugana mahad sheeganeysid.

Eraygaas wuxuu mar walba cusboobeysiiyaa iftiinka qalbiga ee uu jacaylka idinka dhaxeeya abuuray.

Yeysan kula noqonin in marba haddii aad isla joogtaan ay iska caddahay in aad jeceshahay, sababtoo ah aad bay u haboontahay in jacaylka uu mar walba afkaagana kasoo baxo.

2- Ka hor taga maseyrka

Kalsoonida waa tiirka ugu weyn ee uu ku dhisan yahay xiriirka lamaanaha, haddii ay meesha ka baxdana xiriirkaas wuxuu qarka u saaran yahay in uu burburo.

Marka ay kalsoonidaas daciifto waxaa meesha soo galay maseyr, kaas oo ah in qofka aad is jeceshihiin uu kaaga shakiyo in aad qof kale dhankiisa u janjeerto.

Marka ugu horreysa ee aad dareentid in kalsoonidaada ay yaraaneyso la wadaag xaaskaaga ama ninkaaga si aad wadajir ugu xallisaan arrimaha jira inta aysan talo faraha ka bixin.

3- Shaqada guriga

Ma habboona in howsha guriga lagu sii daayo hal qof oo kaliya. Isku day in adiga iyo lamaanahaaga aad kala qeynsataan shaqada dabiiciga ah ee guriga, nooc walba oo ay ahaataba.

Xitaa haddii aysan suuragal ahayn in aad si siman u kala qeybsataan, samee liis oo qof walba ha lagu ogaado howlo cayiman.

In ruux kaliya lagu eegto howsha guriga waxay sababi kartaa culeys horseeda in hal qof uu dhibsado nolosha qoyskaas ka dhaxeysa, taasna waxaa habboon in laga sii hor tago.

4- Hadiyado yar yar

Inta badan lama soo xasuusto, balse aad bay u wacan tahay in aad si joogto ah uga fakartid waxyaabaha iska sahlan ee aad ku heli kartid dhoollacaddeynta khaaska ah ee lamaanahaaga.

Way kasii qurux badan tahay marka aad taqaanid waxyaabaha uu qofka aad nolosha wadaagtaan jecl yahay.

Balse waa in aad u qanacdid wax walba oo hadiyad ahaan lagaaga dhigo, xitaa haddii ay aad u yar yihiin, waayo muhiimadda ugu weyn waa qalbiga waxaas kula soo jeclaaday.

5- Cuntada

Isku mar wax cuna, isku meelna ku cunteeya ilaa intii aad awooddaan. Suuragal ma aha in aad xilliyada oo dhan isla cunteysaan laakiin ku dadaal in ugu yaraan hal waqti aad isla cunteysaan.

Xilligaas haku mashquulin telefoonkaaga oo ha iska aamusnaanin, taas baddalkeedana ka sheekeysta maalinyiinna iyo waliba qorshihiinna ku aadan maalmaha fasaxa ah  haddii midkiin ama labadiinnuba aad shaqeysaan.

Ku raaxeysta is wehesashadiinna xilliga cuntada, haddiiba aad awooddaan.

6- Madax bannaani

Aqoonso in qofka nolosha kula wadaaga uu yahay ruux kale oo aad ahayn adiga oo labo lagaa dhigay.

Taadi micnaheeda waa in aadan ku xukumin go’aannada nolosha una tixgelisid inuu yahay qof fikrado gaar ah leh.

Waxaa kale oo habboon in aadan lamaanahaaga dabagal ku sameynin, si xiriirkiinna uusan dhaawac usoo gaarin.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee la iska ilaaliyo waxaa ka mid ah in aadan baaritaan ku sameynin telefoonka qofka kale.

7-  Damaashaad

Xasuusnow mar walba muhiimadda ay leedahay in aad isla aaddaan fasax dalxiis ah, safarku ha dhawaado ama ha dheeraadee.

In aad waqti iskula soo qaadataan meel ka duean meeshii aad joogteen waxay horseedeysaa in aad sameysataan xasuus cusub, waxaana kusii adkaanaya tiirasha xiriirkiinnu ku dhisan yahay.

Dalxiis kasta wuxuu sii xoojinayaa jacaylkiinna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *