5 calaamadood oo kuu sheegaya inaad beerka ka xanuunsan tahay

Lamidah

Beerka waa xubin muhiim ah oo jirkeenna uu leeyahay, haddii uu howsha gabana nolol ma sii jiri karto.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee beerka waxaa ka mid ah inuu isku dheellitiro sokorta jirka iyo sunta.

Sidaas awgeed waa inaad mar walba ku dadaasho sidii uu beerkaaga u caafimaad qabi lahaa.

Waxaan qormadan kuugu sheegaynaa qaar ka mid ah calaamadaha kuu sheegaya in uu beerkaaga jirran yahay.

Haddii aad aragto astaamahan qaarkood ama dhammaantoodba, si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

1- Maskax wareer

Wareerka maskaxda oo sababa jah-wareer iyo qofka oo aan fahmad fiican lahayn waa tilmaan sheegaysa beer xanuunsan.

Waxyaabaha uu maskax wareerka sababo waxaa ka mid ah in uusan qofku awoodin inuu joogteeyo garashadiisa. Sidoo kale waxa uu leeyahay xasuusta oo daciifta ama gebi ahaanba lunta.

2- Daal badan

Haddii aad dareemeyso daal qayrul caadi ah oo aadan horay isugu arki jirin waa astaan muujinaysa in aad beerka dhib ka qabto.

Marka uu beerkaaga sumaysan yahay waxa uu joojinayaa shaqooyinka qaar waxaadna durbadiiba dareemaysaa daal xad-dhaaf ah.

Calaamaddan waxay ka mid tahay kuwa ugu caansan ee sheega beer xanuunka, haddii aan waqti hore wax laga qabanna dhib ka wayn ayay sii horseedi kartaa.

3- Xasaasiyad

Haddii uu beerkaaga caafimaadkiisa taam yahay waxa uu ka hortagayaa cillado badan oo ku imaan lahaa jirkaaga.

Balse marka beerka uu xanuunsan yahay awood uma yeelanayo la tacaalidda xanuunno kale oo kusoo wajahaya, sida xasaasiyadda.

Caburka badan iyo in ay xoogaysato xasaasiyadda guud ee jirkaaga ayaa ka mid ah calaamadaha bidhaamiya beerka xanuunsan.

4- Xasilooni darro

Calaamaddan waa in qofku uu dareemo xasilooni darro maskaxeed iyo mid jireed labadaba. Xaaladdan waxaa sababa cadaadiska dhiigga oo aan xasiloonayn.

Marka uu beerka xanuunsan yahay ayay cilladdan imaataa, waxayna kuu sheegaysaa in beerkaaga uusan si fiican u shaqayn.

5- Dhidid badan iyo shiir

Tanina waa calaamadda shanaad ee sharraxaysa beerka xanuunsan.

Mararka qaar haddii beerka uu dhib qabo waxa uu ka wareeraa qaabkii shaqada, waxaana suuragal ah in uu sameeyo shaqo ka badan tii caadiga ahayd.

Arrintaas waxay sababaysaa in uu soo saaro kulayl aad u badan. Maadaama dhididka kulaylkaas ka dhalanaya uusan ahayn mid caadi ah waxa uu samaynayaa shiir qayrul caadi ah.

Qof walba oo calaamadahan la kulma waxaa lagula talinayaa in uusan marna fududaysan.

More articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Ugu Danbeeyay