5 sababood oo ay qaxwada subixii uga fiican tahay shaaha

Qaxwada (coffee) iyo shaaha was labada cabitaan ee loogu isticmaalka badan yahay guud ahaan caalamka oo dhan. 

Subaxdii dadka waxay u kala qaybsamaan kuwo shaaha caba iyo kuwo qaxwada caba. Inkastoo dookha qofka iyo marxalado kale ay ku xirnaan karto haddana qaxwada subixii waxay ka fiican tahay shaaha.

Waxaa jira ilaa shan faa’iido oo uu coffee-ga dheer yahay shaaha.

1- Qaxwada waxay kaa caawineysaa jimicsiga

Haddii aad tahay qof marka uu subaxdii soo kaco jecel inuu jimicsi sameeyo, qaxwada ayaa kuu fiican.

Qaxwadu waxay leedahay maadda loo yaqaanno caffeine oo ka badan tan shaaha, waxayna kaa caawineysaa inaad hesho firfircooni dheeraad ah iyo tamar.

Sidaas darteed, qaxwadu waxay xoojineysaa awoodda aad u leedahay jimicsiga waxayna meesha ka saareysaa caajiska.

2- Qaxwada waxay kuu fureysaa fahmada

Ma dooneysaa inaad maskax furan oo fahmad leh ku aqriso cashirrada ku saabsan imtixaankaaga, ama miyay ku sugeysaa shaqo kaaga baahan inaad diiradda saarto hannaanka ay ku socoto?

Haddii ay jawaabtaadu tahay “Haa” waxaa ku caawin karta qaxwada oo ka fiican marka la barbar dhigo shaaha.

Maaddada caffeine-ta ee ku jirta ayaa neerfahaaga furfureysa waxayna ku xoojineysaa awood ay ku shaqeeyaan.

Xitaa marka aad habeenkii damacsan tahay inaad soo jeeddo, qaxwada ayaa kuu suuragalin karta.

3- Qaxwadu si deg deg ah ayay kuu siineysaa firfircooni

Inkastoo caleen shaaha lafteeda ay ku jirto caffeine haddana waxaa laga yaabaa in ay muddo qaadato sidii ay jirkaaga u wada gaari lahayd.

Laakiin qaxwadu sida ugn dhakhsiyaha badan oo ka yar 15 daqiiqo ayay kugu siin kartaa tamarta aad u baahan tahay marka aad shaqo qabaneyso.

Dadka qaarkood marka ay la qabsadaan shaqada uma fududaaneyso ilaa ay koob qaxwo ah ka soo shubtaan.

4- Qaxwada waxay ka qeyb qaadataa dhimista miisaanka

Waxaa jira daraasadolagu ogaaday in qaxwada ay gubto baruurta jirka, taasoo ka dhigan in uu hoos u dhacayo miisaanka qofka marka uu buuran yahay. Saameynteeduna waxay aad ugu shaqeysaa ragga.

Taasi waxay xoojineysaa fikirkii horay looga qabay in dadka iscaateynaya ay qaxwadu caawin karto.

5- Qaxwadu waxay ka hor tagtaa cudurka sokorowga

Inta badan si lama filaan ah ayuu dadka ugu dhacaa cudurka halista ah ee loo yaqaanno sokorowga ama macaanka.

Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in maaddada caffeine-ta ay hoos u dhigto unugyada abuuri kara sokorowga. Ilaa saddex koob oo qaxwo ah maalintii ayaa howshaas qaban kara.

Daraasaduhu waxay sidoo kale muujinayaan in nooca macaanka ee ay qaxwadu yareyso uu yahay midka loo yaqaanno Type II.

FG: Ogoow shaaha laftiisu wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan marka dhinacyo kale laga fiiriyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *