Qofkii aad ku aragto 5 dhaqan ee xun iska ilaali

Waa hubaal in aad leedahay saaxiibbo badan oo heerar kala duwan kuu leh. Qaar aad kuugu dhow, kuwo aad mar mar isla kulantaan ama kuwo aad dusha sare uun iska taqaannaan.

Haddaba dadka dabeecadahan leh iska ilaali, waayo dib u dhac iyo xumaato wax aan ahayn kama faa’iideysid.

  • Qofka xanta badan dadkana xumaanta uun ka sheega

Isku day in aad ka fogaatid qofka mar walba kuula imaada xanta dadka kale ama mar walba oo uu ruux kale ka hadlayo dhinaca xumaanta uun ka sheega.

Qofka noocaas ah haddii uu saaxiibkaaga kuu dhow ahaado wuxuu ku barayaa dabeecaddaas, adigana waxaad la mid noqoneysaa isaga oo kale.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Saaxiibkaa haddii uu uunsi iibiyo, adigana uunsi ayaa kaasoo carfaya”.

  • Qofka doodda ka keena xal kasta

Waxaa jura dad mar walba oo arrin xal ah la keeno ka qaba dood ama aan ku qanacsaneyn.

Waxay cillad aan jirin iyo daldaloollo u raadiyaan xalkaas, noocuu doonaba ha ahaadee.

Waxaa taas kasii daran in marka ay ka hor imaadaan aysan keenin wax baddal ah oo caqabaddii taagneyd looga bixi karo. Haddaba ka fogow qofka noocaas ah, haddii uu kuu dhow yahayna iska ilaali.

Waxaa jirta maahmaah caan ah oo oraneysa: “Ama Talo keen noqo ama talo raac noqo”.

  • Qofka cabashada badan

Mar walba oo aad la kulantid wuu cabanayaa, xitaa haddii uusan wax dhib ah heysanin. Dadka noocaas ah way la qabatimeen in ay mar walba sheegtaan.

Haddii aad weydiisid xaaladdooda waxay xasuusanayaan wax aan micno lahayn oo ay ka cabanayaan. Ma waayaan sabab ay ku cawdaan.

Qofka noocaas ah dadkoo dhan way isu sheegaan wayna ku maadsadaan, sidaas awgeed adigana iska jir.

Horaa loo yidhi: “Baahi badan iyo bukto badan waa la isku nacaa”.

  • Qofka eedeynta badan

Dadka qaar waxay caqabad kasta oo ay la kulmaan ama wax walba oo ku dhaca ku eedeeyaan ruux kale. Marna ma qaataan mas’uuliyad.

Haddii xitaa shaqo ama mashruuc la isla wada qabanayay ay wax ka khaldamaan waxay eedda dusha ka saaraan dadka kale ee aan iyaga ahayn.

Dabaacadda noocaas ah qofka leh aad uga fogow.

  • Qofka ku niyad jebiya

Mid ka mid ah sababaha ugh waaweyn ee aan saaxiibbo u yeelanno ama dadka ula xiriirno waa in la is caawiyo, iscaawintana waxaa ugu horreysa tan dhiirrigelinta iyo niyad dhiska ah.

Laakiin waxaa jira dad mar walba sabab u noqonaya in aad naftaada xumaan ka dareentid.

Ugu yaraan haddii ay wax kale waayaan waxay kuu sheegayaan in aad maalmahan aad u caatowday, ama aad u cayishay, taasoo aan waxba ka jirin.

Qof walba oo noocaas ah meel dheer ka istaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *