5-ta Qoys ee ugu awoodda badan caalamka, dunidana maamula

Waxaa jira shan qoys oo caan ka ah dunida, saameyn ballaaranna ku leh nolosha dadka kale ee ku sugan caalamka. 

1- Qoyska Rockofeller

Waa qoys maalqabeen ah, inkastoo aan la garaneynin tirada saxda ah ee hantidooda. 

Qiyaas la sameeyay ayaa lagu sheegay in lacagta ay heystaan ay gaareyso ilaa $3 tirilyan oo doolar.

Qoyskan waxay kasoo jeedaan dalka Mareykanka, waxayna leeyihiin warshado badan iyo bangiyo, waxayna saameyn ku leeyihiin siyaasadda caalamka. 

Waxay soo caan baxeen markii uu John Rockofeller noqday bilyaneerkii ugu horreeyay ee Mareykanka. 

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, qoyskan waxay gacanta ku hayeen maamulka 90% ka mid ah suuqa saliidda ee guud ahaan dalka Mareykanka, iyaga ayaana go’aan ka gaarayay qiimaha. 

Waxaa jira warar aan la garaneynin cidda abuurtay oo sheegaya in qoyskan ay leeyihiin dowlad sirdoon sare leh oo ka tirsan caalamka. 

2- Qoyska Aala Sacuud 

Qoyskan waxaa loo yaqaannaa in ay yihiin reerka heysta maamulka boqortooyada Sacuudiga.

Waxay kasoo farcameen Muxammad Bin Sacuud oo sidoo kale aasaasay boqortooyadii Diriyah, oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee laga hirgeliyay Sacuudi Carabiya. 

Walaalihiis waxaa si aqlabiyad leh u hoggaaminayay dadka kasoo farcamay Bin Sacuud oo ah aasaasaha dalka hadda loo yaqanno Sacuudiga. 

Qoyska boqortooyada ee Aala Sacuud waxaa la sheegay in ay Sacuudiga maamulayeen tan iyo sanadkii 1932-kii.

Isku darka lacagta ay heystaan qoyskan cid og ma jirto, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in ay gaareyso $1.4 tirilyan oo doolar ama ka badan.

Xubnaha ka tirsan qoyskan waxay shaqo ka heli karaan meel kasta oo ka mid ah waddanka, waxayna maamulaan 20% ka mid ah keydka saliidda ee caalamka oo dhan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in qoyskan ay caalamka u maamulaan si aynaan fahansaneyn. 

3- Qoyska Rothschilds

Waa qoys aad u hanti badan oo Yuhuud ah, waxayna qoysaska ugu dhaqaalaha badan adduunka ka mid ahaayeen tan iyo qarnigii 19-aad. 

Barasaabkii la oran jiray Amschel ayaa la sheegay in uu qoyskan ku yagleelay dalka Jarmalka.

Wuxuu aasaasay ganacsi aad u ballaaran oo u shaqeeya qaabka bangiyada, waxaana lagu yaqaannay in uu sameystay dhaqaale u gaar ah isaga oo aad u badan. 

Sidoo kale sheekooyin badan oo aan xaqiiqdooda la hubin ayaa laga soo tabiyaa qoyskan. 

Dad badan ayaa la sheegay in ay aaminsan yihiin in qoyskan ay maamulaan guud ahaan lacagta taalla adduunka, ayna gacanta ku hayaan dhammaan hayadaha lacagta. 

Dad kalena waxay aaminsan yihiin in reerkan ay maalgaliyaan inta badan dagaallada kala duwan ee ka dhaca caalamka. 

Maanta waxaa ganacsiyadooda ka mid ah hayado maaliyadeed, macdan qodis, tamarta, dhisidda guryaha iyo howlo kale oo aan faa’iido laga raadinin.

4- Qoyska Windsor

Qoyskan waa kuwa hadda ah boqortooyada UK, madaxa reer Windsor-na waa Boqoradda Ingiriiska, Elizabeth II. 

Waxay waxay soo shaac baxeen sanadkii 1917-kii, xilligaasna waa markii magacan la bixiyay. 

Dhammaan xubnaha ka tirsan boqortooyada ayaa lagu yaqaannaa in ay soo maraan nolol caadi ah, ka soo shaqeeyaan militariga, ayna qabtaan howlo samafal ah. 

Hantida guud ee boqortooyada Britain waxaa lagu qiyaasay $88 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay majalladda Forbes ee ka faalloota arrimaha dhaqaalaha. 

5- Qoyska Murdoch

Qoyskan waxay leeyihiin warbaahin badan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka, gaar ahaan dalka Australia. 

Waxay howshooda ka billaabeen dhinaca farshaxanka, diinta iyo militariga dalkaas. 

Keith Murdock wariyaha arrimaha siyaasadda ee mid ka mid ah wargeysyadii ugu waaweynaa ee kasoo bixi jiray magaalada Melbourne, markii uu noqday tifaftirahana wuxuu sare u qaaday suuq-geyntii wargeyska. 

Markii uu geeriyooday, wiilkiisa Rupert Murdoch ayaa howsha halkii kasii waday. 

Murdoch waa qofka 34-aad ee ugu taajirsan dalka Mareykanka, liiska maalqabeennada guud ahaan dunidana wuxuu uga jiraa kaalinta 96-aad, isagoo heysta lacag dhan $13.1 bilyan oo doolar, sida la shaaciyay bishii february ee sanadkii 2017-kii.

Sanadkii 2019-kii isaga iyo qoyskiisa waxaa lagu soo daray liiska Maalqabeennada ee majalladda Forbes, kaas oo ay ka galeen kaalinta 52-aad. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *