5 qaab oo looga kabsado niyad jabka jacaylka (xiriirka burbura

Adeegso xeelado si aad uga gudubto xaaladda adag.

Marar badan ayay dhacdaa in uu niyad jab ku dhammaado xiriir jacayl oo muddo dheer ka dhaxeeyay wiil iyo gabar ku rajo waynaa inay is guursadaan.

Laakiin taas micnaheeda ma aha in noloshii ay halkaas ku istaagayso ama ku hakanayso.

Si aad ugu soo kabato qaab caafimaad leh, adeegso shanta xeeladood ee hoos ku xusan.

1- Aqbal murugada

Naftaada u oggolow inay ku murugooto dhibaatada dhacday halkii aad is caburin lahayd adigoo isku khasbaya awood xad dhaaf ah.

Dareen aad u badan oo dhanka niyadda ah ayaa jira marka uu xiriir jacayl burburo, sabab kastaba ha keentee.

Habka ugu fiican ee aad ku kabsan karto waa inaad wajahdo khibraddaas, naftaadana barto dul qaadka.

2- Saaxiibbadaada u sheego dhibka

Jah wareer badan ayaa ka dhasha niyad jabka burburka xiriirka, sidaas darteed waxaad u baahan tahay caawinaadda bulshada.

Qoondada aad bulshada ku leedahay waa saaxiibbadaada. Iyaga u sheego dhibkaaga, lana kaasho sidii aad uga bogsan lahayd dhaawaca gaadhay qalbigaaga.

3- Naftaada u naxariiso

Inta badan burburka xiriirka waxaa sababa khaladaad ka imaada labada dhinacba, hal dhan haba ugu badnaadee.

Haddaba marna haku fakarin inaad kaligaa leedahay khaladka wayn, naftaadana ha u ciqaabin sababtaas darteed.

Nasiino qaado, kana fikir sidii aad horay ugu socon lahayd.

4- Is xakamee si aad u soo kabato

Marka uu xiriir burburo, dadka qaar waxay ku dadaalaan sidii ay ula hadli lahaayeen qofka niyad jabiyay si ay mar kale u hantaan.

Laakiin taas waxba kuma caawineyso hannaanka aad kusoo kabanayso.

Iska ilaali inaad wacdo, farriin qoraal u dirto ama aragto. Taas ayaa billow u ah dawada qalbigaaga.

5- Is mashquuli

Haddii aad wayso qof aad xiriir jacayl wadaagayseen waxay niyaddaada raaceysaa qofkaas, waxaana laga yaabaa inaad xilli kasta ka fikirto.

Sida kaliya ee aad arrintan uga badbaadi karto waa inaad is mashquuliso oo aad hesho waxyaabo kale oo aad diiradda saarto.

Waxaad isku mashquulin kartaa arrimahan:

* Raadi waxyaabo cusub oo aad u barato xiisp ahaan

* Fasal cusub billow

* Wax aqri ( adigoo iska ilaalinaya qisooyinka jacaylka ee macaan)

* Dhageyso fanka ( gaar ahaan kuwa ku saabsan murugada)

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *