5 qaab oo aad gabar jacayl ugu abuuri karto

Ma fududa in aad gabar ku guulaysato qalbigeeda ilaa aad sameyso arrimo muhiim ah oo saldhig u noqon kara guushaada.

Nimanka qaarkood waxay la tahay in shaqo aad u badan looga baahan yahay marka ay gabdhaha soo xero galinayaan.

Qaar ayaa been u sheega oo iska dhiga wax aysan ahayn, qaarna way fashilmaan maalmaha ugu horreeyaba.

Laakiin nimanka qaarna daqiiqado yar ayay ku qaadataa inay gabadha xagooda usoo jiitaan.

Midka aad tahayba waxaan u aragnaa in aad u baahan tahay xeelado aasaas u ah shukaansiga billowga ah.

Sidaas awgeed adeegso shantan ficil oo kaa caawin kara inaad si deg deg ah jacayl ugu abuurto gabar aad ka heshay.

1- Ku billow hadal

Inkastoo ay tahay marxalad cabsi bada, iska dhago tir qaybta maskaxdaada ee ku dhaheysa ha la hadlin waa qof aadan aqoonine.

Sidoo kale is ilowsii su’aalaha ku saabsan waxa aad kala kulmi karto.

Hadalka billow kaddibna natiijada la tacaal.

2- Xoogaa ammaan ah

Sida ugu fiican waa in hadalka aad ku billaabaysid uu noqdo mid aad iyada ku ammaanayso. Gabdhaha badankood waxay aad u jecel yihiin in loo sheego wax fiican oo iyada ku saabsan.

Taasi waxay horseedeysaa inaad hesho dareenkeeda maqalka iyo in ay hadasho, iyadoo ugu yaraan kuu mahad celinaysa.

Laakiin iska ilaali hadallada horay loo yidhi ama kuwa iska caanka ah, sida “waad qurux badan tahay”.

Markaas kaddib sii wado sheekada, maadaama aad heshay billow fiican.

3- Ka qosli

Hadal daggan oo shactiro leh waad uga qoslin kartaa. Makaxdaada ka shaqeysii oo fahan waxyaabaha ka qoslin kara gabadha aad la hadlayso.

Ka qoslintu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee abuura jacaylka.

4- Hadalka wad

Mararka qaar waxaa suuragal ah in lagugu caajiso. Laakiin waa marka aad kala joojiso hadalka ama ay erayada kaa dhammaadaan.

Si aysan tani kuugu dhicin ku dadaal in aad marba mowduuc xiiso leh ka hadasho.

5- Meesha lagala xiriiri karo

Haddii aad qeybaha hore ka samaysay horumar, isku day inaad hesho qaabka ugu habboon ee lagula soo xiriiri karo.

Hadda waxaa la joogaa adduun ay baraha bulshada muhiim u yihiin dhallinyarada, laakiin qofba meel ayuu u badan yahay.

Haddii aad telefoon lambarkeeda ka heshana waa habka ugu wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *