6 dabeecadood iska ilaali si aysan carruurtaada facood uga harin

Sida aan wada ognahay, carruurtu waxay heer ku gaadhaan caawinaadda waalidkood, iyaga ayaana u ah ku dayasho.

Waa hubaal in hooyo ama aabbe kasta uu jeclaan lahaa in wiilkiisa ama gabadhiisa ay noqdaan kuwo nolosha ku guuleysta. Laakiin taasi waxaa door weyn ku yeelan kara hadba sida uu waalidkaas ula dhaqmo carruurtiisa marka ay soo korayaan.

Waxaa jira dabeecado lagaaga baahan yahay inaad iska ilaaliso si aysan ilmahaaga uga harin facood, noloshana horumar uga gaadhaan.

  • Inaan mar walba isku dayno sidii aan carruurta uga badbaadin lahayn guul darrada iyo halista.

Waalidiin badan ayaa caqabad weyn u arka inay fiiriyaan carruurtooda oo isku dayaya inay xal u helaan dhibaato heysata, gaar ahaan marka ay si sahlan u xallin karaan arrintaas.

Balse haddii aad adigu ku dadaasho sidii aad cunuggaaga uga ilaalin lahayn caqabadaha sidee ayay suuragal ku noqon doontaa inuu iskiis u wajaho nolosha adag ee caadiga ah?

Intii aad mar walba dabooli lahayd dhibkooda bar sida loo wajaho halista iyo guul drrada, xalna loogu helo.

  • Inaan ilmaha la qaybsanno fursadahooda dhinaca nolosha

Ilmaha yar yar mar walba waxay haystaan fursad ka fiican tii ay waalidiintooda haysteen markii ay soo korayeen. Dunidu waxay kusii tallaabsataa horumar jiilba jiilka kasii dambeeya.

Sidaas awgeed, waa dabeecad qallafsan in aan isku dayno sidii aan fursadihii na dhaafay yaraanteenna hadda la qaybsanno carruurta, sidaasna uga qaadanno xuquuqdooda.

Waalidiinta qaarkood ayaa ilmaha u adeegsada inay ka faa’iideystaan waxyaabihii aysan soo helin intii ay da;dooda kusoo jireen.

Iska ilaali inaad ku dadaasho soo celinta nolol aad soo dhaaftay.

  • Jabinta shuruucdii aan sameysannay

Inaan sameyno xeerar looga dhaqmo guriga si ay ilmaha u raacaan laakiin haddana aan isla annagii jabinno shuruucdaas waxay u daran tahay carruurta.

Taas waxay ka fahmayaan ama ka baranayaan hoggaamin xumo, waligoodna ma baranayaan xeeladaha wanaagsan ee maamulka.

Tusaale ahaan, adigoo carruurta xeer uga dhigay inaan guriga filim lagu daawanin wixii ka dambeeya saqda dhexe ayaad isla adigii mar mar u oggolaaneysaa arrintaas, oo waliba la fiirsaneysaa filimada ilaa waagu ka baryo.

Sida ay khubaro badan qabaan, dabeecaddan waxay ilmahaaga u horseedeysaa daciifnimo ku aaddan dhinaca go’aan qaadashada.

  • Inaan sameyno dhaqamo xun oo ay nooga daydaan

Waalidiinta waxay indho iyo dhago u yihiin carruurta, inta badanna taas waxaa caddeyn u ah dhaqanka waalidka.

Inta aad cunugaagga afka uga sheegto in ka badan ayuu ka bartaa ficillada aad sameyso adigoo ula dan lahayn inuu barto cunugga.

Waxaase nasiib darro ah in mararka qaar aad ilmaha u sheegto arrimo aadan adigu qudhaada sameynin.

Tusaale ahaan, ka warran haddii aad ilmaha u sheegto in guul darrada aad dadka kale lagu eedeynin laakiin ay ku arkaan isla adigii oo qof kale ku eedeynaya guul darro kusoo wajahday?

  • Inaan fahanno caqabadaha ka heysta dhinaca waxbarashada

Carruurtu isku mid ma wada aha. Qaar baa fahmad fiican leh qaarna waxay u baahan yihiin in la garab taagnaado.

Laakiin dabeecad fiican ma aha in waalidku uu carruurtiisa ku tilmaamo kuwo caajislow yaal ah marka ay la dhibaatoodaan fahanka cashirrada.

Isku day inaad barto xeelado ka caawin kara inuu horumariyo waxbarashadiisa.

  • Inay labada waalid tartamaan

Carruurtu waxay fursad wanaagsan u heystaan barashada nolosha marka ay labada waalid isula shaqeynayaan si wadajir ah.

Balse nasiib darro waxay ilmaha jah wareer iyo dib u dhac kala kulmaan tartanka dhex mara labada waalid marka uu mid walba isku dayo inuu kan kale uga horreeyo caawinta iyo garab istaagga carruurta.

Hooyada iyo aabbaha waa inay is kaashadaan si cunuggooda uu ficiis wax ula qaybsado ama uga sarreeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *