5 Cunto oo farxad lagu helo: lambar 3 waad la yaabi doontaa

Farxaddu waxay kuu soo martaa sida dabeysha oo kale, inta badanna ma heysan kartid waqti dheer.

Laakiin ma ogtahay in ay jiraan cuntooyin ama cabitaanno si joogto ah looga heli karo jawi farxadeed oo dhanka caafimaadka ah?

Qaar ka mid ah raashinka ayaa sidoo kale sababi kara culeys maskaxeed iyo buuq ku furma qofka, sida inuu aad sare ugu kaco cadaadiska dhiigga.

Halkan waxaan ku eegeynaa shan cunto –  qaarkoodna cabitaan ahaan loo isticmaali karo – oo qofku uu ku dareemayo xaalad xasiloon oo farxad leh.

1- Jeeri

Miraha geedka afka qalaad loogu yeero Cherries, carabigana loogu yaqaanno “Alkarz”, waxaa caadi ahaan loogu isticmaalaa dawo dhaqameed lagu xalliyo hurdo la’aanta.

Jeeriska waxay maskaxda ku kordhiyaan dagganaan, sidaas ayuuna qofka ku seexdaa. Wuxuu sidoo kale mirahan xakameeyaa unugyada maskaxda ee sida iskood ah u shaqeeya.

2- Blueberris

Miraha geedka Blueberry-ga waxay maskaxda siiyaan tamar dheeraad ah, taasoo qofka u sahleysa inuu jir ahaan u dhismo, uuna yeesho xasuus wanaagsan.

Intaas waxaa sii dheer in blueberry-ga uu nasiino siiyo qofka isticmaala.

3- Mooska

Mooska waxaa ku badan fitamiin B oo sababa xasiloonida jirka iyo maskaxda. Xaddiga fitamiin B6 ee ku jira mooska wuxuu horseedayaa in aad gasho jawi farxadeed, waxaana hagaagaya qulqulka dhiiggaaga.

Marka uu qofka si joogto ah u cuno mooska waxaa xitaa si wanaagsan oo habsami leh u shaqeynaya garaaca wadnaha.

Moosku wuxuu u wanaagsan yahay xanuunka loo yaqaanno “jirrada subaxa”! Haddii aad tahay dadka markay hurdada kasoo kacaan caajisa ama carooda waxaa daawo kuu ah moos.

Mararka qaar mooska u adeegso sokor ahaan oo ku darso cuntooyinka aad ku dari lahayd sokorta.

4- Caleen shaaha cagaaran

Miyaad ogeyd in caleen shaaha cagaaran ay farxad kuu keeneyso haddii aad la saaxiibto.

Waxa ugu horreeya ee ay kugu caawineyso waa in ay caloosha kuu socodsiiso. Caleentan waxay awood kuu siineysaa inaad mar walba nadiif ahaato, taasna waxay ka dhigan tahay in maskax ahaan aad xasiloonaatid.

Daraasad lagu sameeyay in ka badan 1,000 oo ku nool dalka Japan ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta caba ilaa afar koob oo caleen shaaha cagaaran ah ay yihiin kuwo ay ku yar tahay inay walwalaan.

5- Shukulaatada

Dabcan waad dareentaa firfircooni marka aad cunto dhowr xabo oo shukulaato ah ama aad cabitaan ka sameysato.

Sababtu waa in ay shukutaalada leedahay maaddooyin kala dajiya shaqada xowliga u socota ee maskaxda qofka, sidaas darteedna lagu dareemo nasiino iyo awood dheeraad ah.

Haddaba dhammaan cuntooyinkan aan soo sheegnay waxay keeni karaan waxyeello haddii laga isticmaalo xaddi ka badan mid ku filan qofka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *