5 cunto oo dilaya kalyahaaga ( waana cuntooyin loo badan yahay)

Kalyahaagu waa warshad wax sifeysa waxayna wasakhda ka saaraan jirka. 

Iyaga la’aantood, dhiiggaaga waxaa ka buuxi lahaa sunta ka dhalata raashinka ku baddalmay caloosha gudaheeda, caafimaadkaaguna wuxuu si deg deg ah u gali lahaa halis weyn.

Nasiib wanaag, kalyaha waa xubno aad u xoog badan, taasina waa sababta uu qofka u noolaan karo haddii ay xitaa hal kalli i fiyowdahay.

Hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in aad looga taxadaro caafimaadkooda si uu qofka u noolaado.

Marka ay xaaladda kalyaha xun tahay waxaa ku dhasha dhagaxyo.

Inta badan dadku ma fahansana cuntooyinka dila kalyaha, maadaama loo badan yahay isla cuntooyinkaas.

Liiskan cuntooyinka iyo cabitaannada ah iska jir. Haddii aad horay u wadi jirtay iska jooji haddii kalena ha billaabin.

1- Hilibka guduudan iyo raashinka kale ee uu ku badan yahay burutiinka.

Burutiinka waa tamar uu jirkaaga aad ugu baaham yahay laakiin haddii uu kaa bato wuxuu kuu keenayaa dhibaato.

2- Cusbada badan: Raashin kasta oo ay cusbada ku badan tahay wuxuu dilayaa kalyahaaga.

Inta badan dadku way jecel yihiin dhanaanka balse xiisaha waxaa ka dambeeya caafimaad darro aad u weyn.

3- Caffeine: Waxaa laga yaabaa inaad ka mid tahay dadka ku tiirsan qaxwada iyo noocyada kala duwan ee coffee-ga.

U nax kalyagaaga oo iska yaree coffee-ga badan.

4- Shellfish: Inkastoo aysan jirin daraasad sax ah oo lagu sameeyay bani’aadanka, haddana kalluunka loo yaqaanno Shellfish wuxuu u daran yahay caafimaadka kalyaha.

5- Sokorta: gaar ahaan sokorta nooca aan dabiiciga ahayn waxay waxyeello wayn gaarsiisaa kalyaha, ilaa marka ugu dambrysa ay fariistaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *