5 arrimood oo u fiican caafimaadka indhahaaga

Ha u maleynin in indhahaagu ay yihiin kuwo sidooda iska ahaanaya oo aan kaaga baahneyn daryeel gaar ah.

Fadlan raac talooyinkan si aad u xoojiso caafimaadka indhahaaga, aragtidaaduna ay mar walba u fiicnaato.

1- Cuntooyinka noocan ah cun

Caafimaadka indhaha wuxuu ka billowdaa cuntada.

Ku dadaal raashinka nafaqada leh iyo kuwa laga helo macdanta omega-3, zink iyo vitamiinnada C iyo E.

Raashinkaaga joogtada ah qeyb haka ahaadaan:

  • Khudaarta cagaaran
  • Kalluunka
  • Ukunta
  • lawska
  • Digirta

Cuntooyinka isku dheellitiran ayaa sidoo kale xoojin kara caafimaadka inshahaaga iyo tayada aragtidaada.

2- Jooji sigaar cabista

Haddii aad leedahay balwadda sigaarka, u jooji indhahaaga dartood.

Sigaarka wuxuu dhaawac u geystaa neerfayaasha indhaha ee ku shaqada leh aragtida.

Haddii ay dhib kugu tahay joojinta balwadda sigaarka, ha quusanin oo dadaalka sii wad. Waa hubaal in aad mar uun ku guuleysan doontid go’aan kama dambeys ahna ka qaadan doontid.

3- Xiro Okiyaale iftiinka badan kaa celiya

Okiyaalaha wuxuu kaa caawinayaa inuu indhahaaga ka difaaco qorraxda, oo iftiinkeedu uu waxyeelleeyo araga.

Xulo muraayado kugu haboon oo wada daboolaya indhahaaga, oo isticmaal kaliya marka aad usoo baxdo bannaanka ee ay qorraxna jirto.

Fadlan ha badsanin xirashada okiyaalaha marka aad guriga joogto ama aysan qorrax xoog leh jirin.

4- Iska yaree shaashadda

Dhibaatooyinka laga dhaxlo isticmaalka badan ee shaashadda computerka, telefoonka ama telefishinka waxaa ka mid ah:

  • Cuncunka indhaha, oo horseeda inaad marmarto kaddibna waxyeello soo gaarto awoodda xuubka indhaha ee wax lagu arko.
  • Aragti shucaac ku jiro, oo sii weynaata marba marka ka dambeysa.
  • Inaad si fiican u arki weyso waxa kaa fog.
  • Indhaha oo ku qallala
  • Madax xanuun
  • Xanuun ku dhaca qoorta, dhabarka iyo garbaha

– Haddii ay shaqadaada tahay mid waqti dheer computer lagu qabanayo, xiro okiyaale loogu talogalay shaashadaha.

– Ku dadaal in shaashadda computerka aysan kaa korreynin oo ha ahaato mid aad xoogaa yar hoos u eegeyso.

– Inta aad shaqada ku jirto indhaha nasi 20 daqiiqo oo kasta.

– Xoogaa kaddib eeg meel kuu jirta qiyaastii 6 mitir.

– Labo saac oo kasta kac oo qaado 15 daqiiqo oo nasiino ah.

5- Si joogto ah u booqo dhakhtarka indhaha

Si aad ula socoto caafimaadka indhahaaga iyo daryeelka ay u baahan yihiin mar walba la xiriir dhakhtar ku takhasusay indhaha.

Tallaabadaas waxay kaa caawineysaa in ay mar walba indhahaaga helaan adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *