5 arrimood iska ilaali marka aad la murmayso qofka jacaylkaaga ah

Lamidah

Ismaan-dhaafka iyo muranka kama caaggana lamaaneyaasha wada socda ama is guursaday.

Inkastoo dadka qaar uu dhif ku yahay haddana waxaa khasab ah in labada ruux ay ku murmaan wax wayn ama wax yar.

Kuwani waa 5 arrimood oo ay fiican tahay inaad iska ilaaliso marka aad la doodayso gacalisadaada/gacaliyahaaga.

Erayadan ha adeesanin, waayo saamayn aad u wayn ayaa ka dhalan karta.

1- Markii hore inaan nolosha kula wadaago ma fiicnayn

Jumladdan waa mid aad uga baaxad wayn mowduuc kasta oo uu ku yimid muranka.

Waa hadal abuuri kara niyad jab wayn islamarkaana burburinaya xasuus hore iyo taariikhda quruxda badan ee labada qof.

Sidaas darteed xaqiiji in uusan afkaaga soo marin xitaa haddii aad niyadda ka damacday dhihitaankiisa.

2- Haku hanjabin furriim ama kala haritaan

Khilaaf kasta oo jira dooddaada yeysan qayb ka noqonin inaad ku gooddiso kala tagitaan, haddii aad reer tihiin iyo haddii aad xiriir jacayl wadaagtaan labadaba.

Eraygaas marka aad dhahayso ha ahaato oo kaliya marka uu dhab kaa yahay oo uusan ku ekeyn hanjabaad.

3- Isbarbar-dhig ha samayn

Xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo gacalisadaada/gacaliyahaaga marna haku lifaaqin ama tusaale ha ugu soo qaadanin xiriir kale.

Ha isla barbar dhigin nooca xiriirkan iyo waxyaabaha ka dhashay iyo mid kale, sida xiriirka saaxiibkaa/saaxiibaddaa ama mid adiga horay kuusoo maray.

4- Hasoo gocanin erayo hore

Marka aad arrin ka murmaysaan hasoo celinin cabasha iyo xasuusta hadallo xun oo horay idiin dhex maray xilli uu jiray muran ku saabsanaa mowduuc kale.

Diiradda saar doodda markaas taagan, hana soo xiganin waxyaabo mar hore lagu yiri oo laga yaabo in lagaa raalligeliyay waqti dheerna laga joogo. Taas waxay abuurtaa cuqdad iyo kalsooni darro.

5- Ha adeegsanin erayada ‘mar kasta iyo dib dambe’

Muranka kaala dhaxeeya lamaanahaaga uma habboona inaad ku isticmaasho jumlado ay la socsaan erayada ‘mar kasta iyo dib dambe’.

Tusaale ahaan ha oranin ‘mar kasta sidan ayaad u muran jeceshahay, ama dib dambe uma wada hadlayno’.

Erayadan waxay keeni karaan xanaaq dheeri ah iyo in mowduuca muranka uu isbaddalo islamarkaana waynaado.

More articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Ugu Danbeeyay