4 xeeladood oo looga badbaado afar xaaladood oo halis ah

Way kala duwan tahay marka ay xaalad halis ah kugu qabato meel dad badan kula joogaan iyo marka aad kaligaa tahay.

Waxaa suuragal ah in buuqa dadka uu kaa yara mashquuliyo naxdinta badan ee aad dareemi lahayd. Laakiin waa hubaal in marka ay cidlo kugu qabsato xaalad halis ah aad walwaleyso.

Haddaba halkan waxaan kusoo gudbineynaa xeeladaha aad ku badbaadi karto haddii adigoo kaligaa ah aad la kulanto xaalado khatar ah.

1- Neef qabatoon

Markii ay wax aad cuneysay dhuunta kuu istaagaan (margasho) waxaa durbadiiba istaagaya neeftii Oxygen-ta ee maskaxda aadeysay. Sidaas darteed waa muhiim in la helo hab deg deg ah oo halistaas kaa caawin kara.

Laakiin wax walba ma sahlana marka aad kaligaa tahay, qof kuu gurmanayana uusan jirin.

Xaaladdaas oo kale marka ay ku heysato samee arrimahan:

  • Gacantaada ka dhig sidii adigoo feer duubanaya kaddibna si xoog ah ugu nab meesha xudduntaada ka sarreysa.
  • Gacanta kale kusii xooji ama cusko kursi madixiis, adigoo horay isu soo qalloocinaya.
  • Gacanta kuu duuban kor iyo hoos ugu cadaadi xuddunta hoosteeda si ay u abuuranto neef kaa caawisa in waxa dhuunta kuu istaagay ay bannaanka usoo baxaan.

2- Dab ka kacay koronto ama saliid dabka saarneyd

Dabka ka dhasha korontada ama saliidda karkartay wuu ka duwan yahay midka ka kaca dhuxusha ama alwaayada iyo wixii la mid ah. Sidaas darteed in biyo lagu shubo ma aha xeeladda ugu wanaagsan ee lagu damin karo.

Hadda xeeladahan adeegso marka aad marxaladdaas ku jirto;

  • Digsiga holcay meeshiisa u daa. hana isku dayin inaad dhaqaajiso.
  • Dami oven-ka ama qalabka wax lagu kariyo.
  • Holaca ku dabool digsi kale ama sheey bir ah, sida dabool weyn.
  • Isticmaal budada loo yaqaanno “baking soda” oo ku shub weelca gubanaha si uu dabka sameysmaya u yaraado. Waxaad taas baddalkeeda isticmaali kartaa cusbo, laakiin iska ilaali inaad isticmaasho budada la yiraahdo “baking powder”.
  • Ha u dhaweynin buste ama sheey kale oo maro ah dabka, sidoo kalena biyo haku shubin.

3- Sida la sameeyo marka uu kugu soo boodo wadne xanuun

Haddii aad dareento calaamado ku saabsan wadne xanuun ama aad isaga shakiso inuu wadnahaaga sii daciifayo, samee tallaabooyinkan.

  • Jooji wax kasta oo aad sameyneyso, gaar ahaan haddii aad gaari waddo ama jimicsi sameyneyso.
  • Wac dhakhtar ama qof kugu caawin kara inaad adeeg caafimaad hesho, tusaale ahaan u yeero ehelkaaga ama saaxiibbadaa.
  • Fariiso, adigoo jilbaha kor u taagaya, si qulqulka wareegga dhiiggaaga uu u kordho.
  • Laftaada u dhow salka lagu fariisto ka durji darbiga, dhabrka qeybtiisa korena saar darbiga.
  • Qaado neef tartiib ah oo qota dheer.

4- Sida la sameeyo marka uu meel aad joogtay dab ka kaco

Isticmaal xeeladahan, haddii ay gubato meel aad ku sugneyd.

  • Hoos isu gaabi si aadan neef ahaan ugu qaadanin qiiqa.
  • Adeegto wax walba oo aad sanka iyo afka saaran karto si aad isaga ilaaliyo qiiqa.
  • Haddii uu dabka qabsado dharkaaga, dhulka isku tuur oo galgalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *