4 wax oo ay dumarku sameeyaan marka ay khiyaanayaan ninka shukaansanaya

Lamidah

Haweeneyda aad haasaawaha la wadaagto ama xaaskaaga ah marka ay kugu dhinac wato sideed ku ogaan kartaa?

Waxaa jira dhowr dabeecadood oo kuu iftiimin kara arrintaas, kuwaasoo aad usii kuur geli karto si aad usii xaqiiqsato.

Dabcan marka marxaladdaas la joogo waa xilli ay gabadhu door bidayso inay adiga kaa tagto, laakiin ma rabto in ay iyada eedda raacdo.

Si ay wax walba adiga kaaga imaadaan waxay ku dhaqaaqaysaa ficilladan.

1- Dagaal ayay billaabaysaa

Qofku marka uu rabo inuu kaa fogaado waxa uu raadiyaa fursado, mararka qaar haddii ay si dabiici ah u imaan waayaanna wuu abuuraa.

Haweeneyda ninka lamaanaheeda ah ka raacaysa mid kale waxay billowdaa dagaal ay ujeeddadiisu tahay in lagu kala tago.

2- Is qurxin dheeri ah

Astaan kale oo muujinaysa inay saaxiibaddaa kaa danayso nin kale waa inay ku dadaasho wanaajinta muuqaalkeeda, si aadan horay uga baranna ay isu qurxiso.

Taas waxay ka dhigan tahay inay saaxiibka cusub soo jiidanayso, waiigeeda ugu quruxda badanna u muujinayso.

3- Isbaddal dhinaca danaynta ah

Maadaama aan nahay ummad Muslimiin ah xilliga haasaawaha nooma bannaana inaan xiriir jinsiyeed samayno, balse qodobkan waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqayaa lamaanaha is qaba.

Haddii ay xaaskaaga dhankeeda ka go’aansato inaad kala go’daan ama rabitaankaaga uu ka dhammaaday xaggeeda waxay joojinaysaa wax kasta oo muujin jiray inay ku danaynayso.

Tusaale ahaan waxaa meesha ka baxaya hilowga ay dareemi jirtay marka aad ka maqan tahay, dhunkasho ma jirto in laabta la isgeliyana haba sheegin.

4- Inay adiga ku tuhunto

Iyada ayaa ah qofka khiyaanada samaynaya balse adiga ayay si joogto ah kuugu eedeynaysaa inaad ku waddid khiyaano ama aad xaasas kale leedahay.

Ugu yaraan waxay kugu eedeynaysaa inaad dumar kale la shukaansatid.

Taasina waa astaan kale oo kuu sheegaysa in lagaa danaystay ninyahow.

More articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Ugu Danbeeyay