4 Saxaabi oo ducadooda mar walba la aqbali jiray

Asxaabta Rasuulkeenna NNKH dhammaantood waxay ahaayeen dad aan adduunyada dan ka lahayn oo aakhiro dadaal u sameeya, Alle haka wada raalli noqdee. 

Waxaa jiray afar saxaabi oo caan ku ahaa in ducooyinkooda inta badan uu Alle durba aqbali jiray.

1- Al-Baraa Ibn Malik, oo ah Anas Ibn Malik walaalkiis

Anas Ibn Malik ayaa laga soo wariyay xadiis uu Nabiga NNKH yidhi: “Imisa qof ayaa jirta oo timahoodu ay boor leeyihiin, wax saameyn ahna aan lahayn; laakiin mid ka mid ah haddii uu ku dhaarto Alle; Allahna wuu fulinayaa dhaartiisa.” Dadkaasna waxaa ka mid ah Al-Baraa Ibn Malik.

Xadiiska oo micnihiisa uu sidaas yahay wuxuu qeexay in ay jiraan shakhsiyaad aan magac iyo darajo sare ku lahayn bulshada dhexdooda balse Alle agtiisa qaddarin aad u weyn ku leh marka ay wax weydiistaanna uu ka aqbalo.

2- Sacad Ibn Abii Waqaas

Xadiis ku jira kitaabka Jaamic al-Tirmidi ayaa xusaya in uu Nabiga NNKH yidhi: “Ilaahayoow, aqbal Sacad marka uu ku baryo adiga.”

Sacad Ibn Abii Waqaas wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee qaatay diinta Islaamka.

Waxay isku da’ yihiin Dalxa, Az-Zubayr iyo Cali.

3- Xabiib Ibn Maslama

Xabiib wuxuu jiray 12 sano markii la oofsaday Rasuulkii Alle CSW.

Waxaa lagu naaneysi jiray “Xabiibkii Rome” oo loogu bixiyay tiradii badneyd ee dagaalladii uu uga qayb galay halkaas.

Xabiib wuxuu ka mid ahas dadkii faro ku tiriska ahaa ee la sheegay in ducadooda la aqbali jiray.

4- Saciid Ibn Zayd Ibn Camar

Saciid hooyadiis, oo la oran jiray Fatima bint B’aja waxay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee qaatay diinta Islaamka. Aabihiis, Zayd wuxuu ku dhintay diintii nabi Ibraahim labo sano ka hor inta aan lasoo saarin Nabi Muxammad NNKH.

Wilkooda waxaa lagu xusay liiska asxaabta ducadooda uu Alle aqbali jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *