4 qaab oo aad lacag ku sameyn kartid adigoo shaqo maalinle ah aadin

Qof walba wuxuu ku fikiraa sidii uu mar uun uga maarmi lahaa shaqada uu joogtada u aado ama shaqaalaha ka yahay.

Si aad taas u baddasho waa inaad hesho dhaqaale kugu filan oo kaasoo gala meel kale, qaabka ugu wanaagsanna waa inaad lacag ku hesho waddooyin aan ku xaddideynin ama cidna kugu xukumeynin.

Kuwado waa afar qaab oo ay sidaas kuugu suuragali karto. Laakiin isku day inaad billowdo ka hor inta aadan shaqadaada ka tagin, si ugu dambeyntii aad ugu go’do.

1- Dilaalka guryaha

Haddii ay suuragal kuu tahay maalgasho guryaha la dhiso ee lasii iibiyo ama la kireeyo.

Taas haddii aadan awoodin noqo qof dillaal ka ah iibinta guryaha, kireynta iyo dayactirkoodaba.

Dadka shaqooyinkan ku howlan waxay ka mid yihiin kuwa ugu dhaqaalaha badan bulshada.

2- Qorista buugaagta

Dad badan waxay ku riyoodaan inay buug qoraan, laakiin kuwo aad u yar ayaa ku dhaqaaqa tallaabadaas. Intooda badan waxay moodaan inay tahay howl aad u adag.

Waxay isu maleeyaan inaysan lahayn aqoon ku filan, xikmad iyo waqti toona.

Laakiin runtu waxay tahay in marka aad buug qoreyso aad u baahan tahay oo kaliya inaad maskaxdaada ka shaqeysiiso, waxa aad qoreysana ay ahaadaan wax aad ka fikirtay.

Dhaqaale badan ayaa kasoo xarooda buugaagta la qoro ee kaddib la iib geeyo. Waxaaba xitaa macquul ah in uu qof ka taajiro hal buug oo uu qoray.

3- Xirfaddaada iibi

Waa hubaal inaad wax uun ku fiican tahay, ha ahaato dhanka xisaabta, sameynta muuqaallada iyo codadka, qorista iyo wixii la mid ah.

Waxaa kale oo jira xirfado gacanta ku xiran sida kaxeynta baabuurta iyo tolista harqaamada. Dhammaan xirfadahan khasab kuguma aha inaad qof ama shirkad shaqaale ugu noqoto oo kaliya. laakiin si iskaa ah ayaad uga ganacsan kartaa adigoo waqtina lagugu xireynin.

Qofka noocan ah waxaa loo yaqaannaa Shaqaale madax bannaan (freelancer). Laakiin waxay ku haboon yihiin inaad shaqooyinkaaga kale ku dul wadato.

Marka isweydii waxa aad u fiican tahay oo dadka aad lacag uga qaadan karto.

4- Website furo

Mid ka mid ah waddooyinka ugh fiican ee lacagta lagu sameeyo waxay noqon kartaa inaad billowdo bog aad kusoo bandhigto sheekooyin xiiso leh. Waxaa kale oo aad diiradda saari kartaa baraha bulshada.

Ku dadaal in waxa aad qoreyso ay ahaadaan kuwo soo jiidasho leh oo dadku ay jecleystaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *