Dhammaanteen waan ka war qabnaa in toontu ay leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo waxtar weyn u leh jirkeenna.
Tusaale ahaan waxay dishaa gooryaanka, wasakhda ayey jirka gudihiisa kala dagaallantaa, unugyada dhiigga ayey sifeysaa, sidoo kalena waxaa loo isticmaalaa in miisaanka lagu dhimo ama la isku caateeyo.
Intaasoo dhan marka laga soo tago waxaan eegeynaa 4 mucjiso oo ay toonta si gaar ah u leedahay, wax tar weynna u leh bani’aadanka.
1- Waxay xoojin kartaa difaaca jirkaaga
Toonta waxay leedahay awood ay ku burburiso nooc walba oo bakteeriyo ah, maadaama ay ku jiraan maaddooyin si weyn ula dagaallama bakteeriyada.
Allicin waxay dabooleysaa labo qeybood oo ka mid ah unugyada jirka, kuwaas oo bacteeriyada cudurka wadata usoo fasaxa jirka bani’aadanka.
Haddii habeen kasta marka aad seexaneyso ay kuu dhawaato toon ama barkinta hoosteeda kuugu jirto waxaad dareemi doontaa in subaxdii aad firfircooni lasoo kacdo iyo in xanuunnada ay aad kaaga yaraadaan, hadduu Alle idmo.
2- Waxay kaa caawin kartaa biyaha sanka ka dareera
Sankaaga wuxuu ku nafisayaa toonta urkeeda. Sababta ugu weyn waa in toontu ay leedahay qallajiye loo yaqaanno allicin, kaasoo si tartiib tartiib ah uumi ahaan uga soo baxa toonta durbadiina la dagaallamajeermiska iyo infakshanka.
[the_ad id=”906″]
Maaddada allicon ee ku jirta toonta waxay kuu fureysaa duleelka sanka iyadoo burburineysa wasakhda isku xirtay halkaas.
Shaqada ay intaas ku qabaneyso waa mid si aayar ah u socota laakiin way u qalantaa. Muddo xoogaa ah kaddib waad ka reysaneysaa sankii qulqulka ka socday, si fiican ayaadna u neefsaneysaa.
3- Waxay eryi kartaa cayayaanka