4 dabeecadood oo uu leeyahay qofka aan horumarka gaareynin

Marar badan waxaa laga yaabaa in aad qof ku caysid ama adigaba lagugu tilmaamo caajisloow aan wax horumar ah ka gaari karin nolosha. 

Run way noqon kartaa ama been laakiin waxaa jira dabeecado gaar ah oo lagu yaqaanno qofka aan guuleysanin ama wax mataha ah.

Haddii aad dabeecadahan isku aragto iska baddal in aan lagugu aqoonsanin, adiga laftaadana ha oggolaanin inaad noqoto qof nolosha ka dhacsan.

1- Ma necebtahay shaqadaada maalinlaha ah?

Dad badan waxay maalin walba sameeyaan shaqooyin ay ku adag tahay inay u dul qaataan.

Haddii aad nasiib u yeelato shaqada riyadaada ah waa aarin kuu fiican.

Laakiin waxaa nasiib darro ah in isla shaqadaas aad u aragto mid dhib kugu ah ama aad jecleysan weyso marka aad gacanta ku dhigto kaddib.

Dadka sidaas u dhaqma waxaa ku jirta dabeecad caajisnimo ah waana mid ka mid ah astaamaha qofka aan ku guuleysanin hardanka nolosha.

2- Dib ma u dhigtaa howlaha? 

Sidaan wada ognahayba, wax walba waxay leeyihiin waqti loogu talagalay inay qabsoomaan oo aysan ahayn inay ka dib dhacaan.

Badanaa waxaa mas’uuliyadda la saaraa koox ama hal qof oo laga doonayo inay hirgaliyaan.

Haddii aad dabeecad u leedahay dib u dhigitaanka arrimaha laguu igmado markaas waxaa hubaal ah inaad ka mid tahay dadka xun xun ee aan horumarka u gaarin si deg deg ah.

Hoosta ka xariiq qodonkan oo haddii aad ku sifowday wax ka baddal inta ay goori goor tahay.

3- Ma sameysaa jimicsi? 

Soo la yaab ma aha inaadan waligaa ka fikirin sidii aad u sameysan lahayd waqti aad jimicsi ku mashquushid.

Mid ka mid ah ficillada muujiya qofka firfircoon ee fikirkiisu uu horumarka gaarsiin karo waa jimicsiga.

Taas markii laga soo tago waxaa ku jira faa’iido caafimaad oo aan hal qormo lagu soo koobi karin.

Laakiin mar haddii aysan kula habbooneyn inaad jimicsi u sameyso si joogto ah, waxaad leedahay dabeecadda dib u dhaca. Sidaas darteed bal dib isugu noqo.

4- Kalsooni kuma qabtid naftaada

Marka uu qof walba kugu tilmaamo caajisloow/caajisleey waxay sababtaa in adiga qudhaada aad ku kalsoonaan weyso naftaada oo aad aaminto waxa ay dadku kugu sheegayaan.

Haddii ay taasi suuragasho waa hubaal in aad ku dhibaatooneysid sidii aad ula jaan qaadi lahayd dadka facaaga ah ee horumarka ku tallaabsada had iyo jeer.

Tababar u samee naftaada oo isku kalsoonow adigoo rumeysanaya in aad awood u leedahay wax kasta.

Ka kac fadhiga oo iska baddal dabeecadda caajiska ah.

Ku dadaal inaad yeelato adkeysi iyo dhiirranaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *