4 dabeecadood oo ay dadku kugu nacayaan

Mar walba waxaa haboon in dhaqankaagu uu ahaado mid kuu soo jiidaya saaxiibbo cusub taas baddalkeedana aysan dadku ku karaahsaneynin. 

Waxaa jira shan dabeecadood oo haddii aad leedahay ay dadka kugu nacayaan.

1- Hadal badan

Qofka markii uu hadal badan yahay, shaqada uu qabnayana ay yartahay markii hadalkiisa loo eego wuxuu kasbadaa naceybka dadka ku hareereysan.

Dadka qaarkood wax ayay afka ka sheegaan inay sameynayaan, mana fuliyaan.

Ganacsi walba midka kasii fiican ayay ballan qaadaan waligoodna ma bilaabaan, taas awgeed ayay kalsooni darro uga helaan saaxiibbadood iyo dadka jecel.

2- Inaad fikirkaaga ku khasabto qof

Mid ka mid ah dada loogu neceb yahay bulshada dhexdeeda waa qofka wax fikirkiisa ah dul dhiga arrin uu ruux khibrad u leeyahay.

Mararka qaar in lagu jeclaado waxay ku xiran tahay inaad aamusto oo dadka kale hadalkooda dhageysato oo kaliya.

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan aqoonin oo dad kale ay kaaga fiican yihiin, sidaas darteed iyaga u daa.

Laakiin inta badan dadku waxay ka cabsadaan inay dhahaan waxan ma garanayo.

3- Faanka badan

Dad badan ayaan kala saari karin farqiga u dhaxeeya inaad ku faanto horumar aad gaartay iyo inaad dadka ka careysiiso.

Haddii aad meel walba ku sheegto wax kasta oo kuu hir galay ama faahkaagu uu aad u bato waxay horseedeysaa in dad badan ay iska kaa ilaaliyaan, la joogistaada iyo sheekadaadana dhibsadaan.

Ogow in dadka badankood aysan dan ka lahayn arrimahaaga balse ay iyagu danahooda muhiim u yihiin.

4- Soo daahitaanka

Waxaan jecel nahay inaan soo dhaweysanno qof aan ku kalsoonaan karno. Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee aaminaadda ama kalsoonida lagu dhiso waa dhowrista waqtiga.

Qof haddii uusan ilaalin karin waqti aad ku ballanteen inaad kulantaan sideed ugu aamini kartaa ballamo kale oo waaweyn.

Haddii aad kalsoonida kala noqoto qof ama aad ku aragto dabeecadda soo daahitaanka waa khasab inaad nacdid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *