4 arrimood samee si aadan uga cabsanin qofka madaxda kuugu ah goobta shaqada

Inta badan ma wanaagsana xiriirka ka dhaxeeya dadka shaqaalaha ah iyo madaxdooda. 

Sababta uusan xiriirkaas u hagaagin waa cabsi ay shaqaalaha badankood ka qabaan maamuleyaasha, inkastoo aysan jirin sabab loo cabsado.

Waxyaabaha kale ee keena waxaa ka mid ah in mas’uuliyiinta qaarkood ay yihiin kuwo qallafsan oo aan ku xeel dheereyn la dhaqanka howl wadeennada ka hooseeya.

Hadda, qofka shaqaalaha ah waxa uu ka hortagi karaa cabsida madaxdiisa haddii uu sameeyo afarta arrimood ee soo socda.

1- Wadahadalka

Xooji xiriirka wadahadalka ee idinka dhaxeeya adiga iyo qofka madaxa ka ah goobtaada shaqada.

Mid ka kid ah arrimaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay in aad sare u qaaddid waa sida aad ula shaqeysid maamulahaaga, wadahadalkiinuna waa inuu ku qotomo qaabka ay u socoto shaqada.

Waxaa hubaal ah in madaxdu ay jecel yihiin in sida ay rabaan howsha loo fuliyo, sidaas awgeed joogto u weydii talooyinkiisa, sida ay kuugu sheegaanna u raac.

2- Xad gudub

Marnaba ha aqbalin in qofka madaxa kuu ah uu xad gudub kugu sameeyo, waayo haddii ay taasi joogto noqoto waxaa kordheysa cabsida aad ka qabtid.

Waa in ay jirto xuduud idiin dhaxeysa oo uu qof walba dhankiisa ka xushmeeyo.

Saacadaha shaqadu way kooban yihiin marka la barbardhigo waqtigaaga kale, sidaas darteed xilliga aad joogtid goobta shaqada waa in aad heshid qaddarin buuxda adigana lagaa helo hufnaan iyo howlkarnimo.

3-  Mas’uuliyadda 

Waxaa jira arrimo uusan qofka shaqaalaha ah fahmikarin marka uu ka eegayo dhankiisa oo kaliya. Taas micnaheeda ma aha in qofka madaxda ah uu ku saxan yahay haddii uu ficillo xun sameeyo, laakiin mararka qaar isku day in aad dhankiisa wax ka eegto adigoo qiimeyn ku sameynaya waxa uu dareemayo.

Tusaale ahaa, kasoo qaad in aad adigu tahay qofka mas’uulka ka ah shaqada, sideed u rabi lahayd in wax loo qabto?

Tallaabadaad waxay kaa caawineysaa in uu hagaago xiriirka kaala dhexeey qofka shaqada mas’uulka ka ah.

4- Dhageysiga

Qofka shaqaalaha ah waa in uu sida ay tahay u qaato talooyinka shaqada, haddii uu awoodo. Waa in uu yaraado fikirka aad ku darsaneysid habka shaqada.

Sidoo kale, marka laguu sharraxayo shaqada waa in aad dhageysatid halkii aad hadli lahayd.

Qorshaha shaqada waa mid lasoo dejiyay inta aan laguula imaanin ka hor, lagana yaabo in ay saacado badan kusoo baxeen.

Haddii aadan dabeecad u yeelanin in aad mar walba dood ka keento nidaamka shaqada, waxaa suuragal ah in aad qaddarin buuxda ka heshid qofka madaxda kuu ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *