4 arrimood oo muhiim kuu ah inta ay socoto bisha Ramadaan

Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa la filayaa in ay billaabato, waxaana Alle ka baryeynaa inuu nabad nagu gaarsiiyo kheyrkeedana na waafajiyo.

Sida aan wada ognahay, waajib ayay nagu tahay inaan soonno 30-ka bari ee Ramadaan, waxaana habboon in aan si caafimaad badan u dhameystirno cibaadadaas.

Halkan waxay Maanfur idiinku soo gudbinaysaa afar talo oo ku saabsan sidii aad caafimaad ugu soomi lahayd.

1- Ha iska dhaafin Suxuurta

Marka laga soo tago in Suxuurtu ay tahay sunno uu nagula dardaarmay nabigeenna Muxammad NNKH, waxay wadataa faa’iidooyin caafimaad.

Dhakhaatiirta iyo kubarada seyniska waxay horay isugu raaceen in quraacdu ay tahay cuntada ugu muhiimsan ee la qaato maalintii.

Haddaba inta lagu guda jiro bisha Ramadan, Suxuurta ayaa ah quraacda.

Inkastoo dad badan ay Suxuurta uga tagaan si aysan hurdada uga qasmin, waxaa kuu fiican in aadan seegin.

In suxuurta laga tago waxay sababaysaa in uu dheeraado waqtiga aad baahnaaneyso oo jirkaaguna uu tamar ka raadinayo cuntadii kasii horreysay. Daal badan iyo nafaqo darro ayaad ka dhaxli kartaa arrintaas.

Sidoo kale inaad Suxuurta ka tagto waxay horseedeysaa inaad cuntada iska badiso xilliga afurka, taasoo keenta caafimaad darro.

2- Ha iska badinin raashinka Afurka

Isla sida aysan u habbooneyn in la iska dhaafo Suxuurta ayaysan u habbooneyn in raashin badan la cuno xilliga afurka, waxaana taas kaasoo gaari karta waxyeello caafimaad oo dhinaca jirka.

Afurkaagu waa inuu ahaado cunto isku dheellitiran. Waxaa haboon inuu ahaado cuntooyin nafaqo leh iyo khudaar, muhiimna ma aha in raashin badan la cuno.

Cuntada badan waxay sababi karaan inuu adkaado dheef shiidka miisaankuna uu kordho.

3- Iska ilaali cuntooyinka saliidda lagu dubo, cunbadu ku badan tahay ama sokorta badan

Waa wax caadi iska ah in dadka masrkii ay afurayaan ay naftooda ugu raaxeeyaan raashinka lagu dubo saliidda kaligeed ah iyo kuwa ay heerka sokortoodu badan tahay ama dhanaanka dheeriga ah leh.

Laakiin xasuusnow in arrintaas ay ku caawineyso xilligaas aysa sii adkeyneyso soonka maalinta xigta.

Maalintaas oo dhan waxaad dareemeysaa caajis iyo culeys jirka ah.

4- Biyo aad u badan cab

Inaad cabto biyo badan intii karaankaaga ah waqtiga u dhaxeeya Afurka iyo Suxuurta waxay yareyneysaa inaad oon faro badan dareento marka aad maalintii sooman tahay.

Dadaal samee oo isku day inaad habeen walba cabto ugu yaraan siddeed galaas oo biyo ah. Cabitaannada waxaa ka mid noqon kara caanaha, khudaarta la shiido iyo wax kasta oo lagu oon bixi karo.

Waxaa haboon inaad yareyso cofee-ka iyo shaaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *