4 arrimood oo dhallinyaro lagu sii ahaado marka la dhaafo 40 sano

Inta badan dadku marka ay kor u dhaafaan 40 sano waxaa hoos usii dhaca awooddooda caafimaad iyo tamarta dhallinyaranimada.

Dhammaanteen waan jecel nahay inaan sii ahaanno dhallinyaro, mana aha wax aan suuragal ahayn. Sababtoo ah waxay ku jiran tahay caafimaadka iyo firfircoonida.

Waxaa jira dad badan oo da’du ay agtooda ka tahay tiro oo kaliya, kuwaasoo marna aan la isku soo qaban karin da’dooda iyo muuqaalkooda.

Kuwani waa dabeecadaha haddii aad joogteyso kuu sahlaya in aadan dareemin hoos u dhac dhinaca awoodda ah.

1- Si joogto ah ula soco caafimaadkaaga

Tiro badan oo ka mid ah dadka ay ku dhacaan cudurrada halista ah waxay ka war helaan oo kaliya mar ay xaaladdooda faraha ka baxday. Taas waxaa sababa in qofka uusan si joogto ah ula xiriirin dhakhtarka, xanuunnada uu qarka u saaran yahayna aan laga hor tagin.

Waxaa ka mid ah cudurka sokorta, dhiig karka, kolestaroolka iyo kuwo kasii waaweyn sida wadne xanuunka iyo kansarka noocyadiisa kala duwan.

Haddaba waxaa aad muhiim u ah in qofka uu taxaddar dheeri ah ka sameeyo xogtiisa caafimaadka marka uu kor u sii dhaafo 40 sano.

2- Biyo badan cab

Qof walba wuu ka dharagsan yahay faa’iidada ay leedahay in biyo badan la cabo. Isla taas ayaan mar kale dib kuugu xasuusineynaa qormadan.

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaa in qofka uu maalin kasta xaqiijiyo cabitaanka dhowr liitar oo biyo ah. Taladaas waxay si gaar ah wax tar ugu sii leedahay dadka da’dooda aan xusnay.

3- Hagaaji fikirkaaga shakhsiyadeed

In qofku uu dhanka fiican wax ka eego, fikirkiisuna uu mar walba ahaado mid wanaagga u janjeera waxay ka mid tahay dabeecadaha caafimaadka maskax ahaaneed laga dhaxlo.

Waa hubaal in marka ay maskaxdaadu fiyowday uu jirkaaguna fiyoobaanayo. Mararka qaar waxaad maqleysaa dad lagu xamanayo in sida uu qalbigoodu u madow yahay uu jirkooduna u liito.

Taas ka hor tag oo ku dadaal inaad qalbigaaga nadiifiso mar walba.

4- Jimicsiga xoogga saar

Arrinta koowaad ee da’da dib loogu dhigo waa jimicsiga, laakiin waa inaad hubiso sidii uu jimicsigaagu u noqon lahaa mid dhab ah oo isku dheellitiran.

Marka hore awooddaada ogow kaddib sameyso yool aad kasoo bixi karto, kuna dadaal inaad sare u sii kacdo.

Sida ugu habboon waa inaad yeelato tababare xirfad u leh arrimaha jimicsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *