4 arrimood oo aad ku xoojin karto caafimaadka maskaxdaada

Markii aan dooneyno inaan helno caawinaad ku saabsan caafimaadka maskaxda, waxaan filaneynaa dawooyin kaliya.

Laakiin waligaa ma is weydiisay in isbaddal aad hab nololeedkaaga ku sameyso uu kuu horseedi karo horumarka dhinaca caafimaadka maskaxda ah?

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Illinois ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in kala bar ka mid ah dadka ka cawda xanuunnada dhimirka aysan ku caafimaadin dawooyinka ay ka helaan dhakhaatiirtooda.

Sidaas darteed cilmi baareyaashu waxay fahmeen in isbadallo yar yar oo lagu sameeyo habka nolosha ay wax badan ka tari karaan xal u helidda dhibaatooyinkaas.

Waxay sidoo kale isbadalladaas yareyn karaan khatarta uu qofka ugu jiro inay ku dhacaan cudurrada ay ka mid yihiin sokorowga, wadne xanuunka iyo dhiig karka.

Arrimaha ugu waaweyn ee daraasaddan ay ku talisay waxaa ka mid ah:

1- Wax ka baddal cuntadaada

Cilmi baaristan waxay qeexday in cunnooyinka qaar ay kaalin mug leh ka ciyaaraan caafimaadka dhimirka.

Miraha iyo khudaarta cagaaran ayaa lala xiriiriyay inay sare u qaadaan awoodda maskaxda iyo caafimaadkeeda.

Dhanka kale, raashinka dufanka leh ee lagu cayilo ayaa waxyeello u geysta hannaanka caafimaadka dhimirka iyo shaqada maskaxda.

Sidaas awgeed maantaba isbaddal ku samee raashinkaaga, kuna soo dar cuntooyinka wax tarka kuu leh, haddii aadan horay u isticmaali jirin.

2- Mudnaan sii jimicsiga

Jimicsiga jirka ayaa lagu tilmaamay mid aad u caawinaya dadka jecel inay xoojiyaan caafimaadka maskaxdooda iyo kuwa la tacaalaya xanuunnada dhimirka labadaba.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Southern Methodist ayaa lagu sheegay in jimicsiga uu dawo cajiib ah u yahay dadka cabsiga iyo walwalka dheeraadka ah qaba ee maskaxdoodu aysan caafimaad buuxa lahayn.

Jimicsiga wax tarka leh waxaa ka mid ah xitaa midka hooseeya, sida socodka la sameeyo wax ka yar hal saac.

Waxaase laga yaabaa in haddii aad xanuun dhimirka ah qabto aad u baahan tahay inaad dhakhtarkaaga kala tashato noocyada jimicsiga ee sida aadka ah kuugu habboon.

3- Samee xirfado aad isaga yareyso walwalka

Walwalka wuxuu quudiyaa xanuunka dhimirka, sidoo kalena xanuunka dhimirka wuxuu quudiyaa walwalka. Labadooduba way wada shaqeeyaan.

Waxaa loo baahan yahay inaad qaaddo tallaabooyin aad isaga yareyn karto walwalka ku heysta.

Waxa ugu fiican ee aad sameyn karto waa inaad isbarto sidii aad ula dagaallami lahayd fikirka badan. Isku mashquuli wax kasta oo kaa ilaalin kara inaad kaligaa noqoto ama isla hadasho.

Jimicsiyada qaarkood ayaa laftooda kaa hor joogsan kara walwalka.

4- Hurdo kugu filan hel

Dhammaanteen waxaan jecel nahay inaan hurdo fiican helno waqtiga habeenkii ah, laakiin nooma wada suuragasho. Balse ogoow inaad hurdadaada wax ka baddali karto haddii aad go’aan adag sameysato.

Ugu yaraan siddeed saacadood oo hurdo ah ayay dhakhaatiirta ku taliyaan, taasina waxay aad u kobcineysaa awoodda maskaxdaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *