3 xeeladood adeegsado marka aad raadinayso shaqo mushaar badan

Way adag tahay sida lagu helo shaqooyinka mushaarka sare leh, haddii aadan heysanin xeelado kuu fududeynaya.

Inta badan shaqooyinka noocan ah waxaa loo maraa wareysi (interview) laga qaado dadka isu soo sharraxay, kaasoo lagu weydiiyo su’aalo qaarkood ay yihiin kuwo lagu baarayo garashadooda.

Dadka qaar waxay u yaqaannaan imtixaanka shaqada.

Laakiin su’aalo kalena waxaa lagu hubiyaa hanka qofka iyo waxa uu damacsan yahay dhaqaale ahaan.

Waxaa su’aalahaas ka mid ah: Imisa ayaad dooneysaa inuu noqdo mushaarka laguu qorayo?

Haddii saddexdan xeeladood aad u adeegsato su’aasha waxay u badan tahay in lagu siiyo shaqadaas.

1- Clmi baaris: Baadhitaan kusoo samee mushaarka celcelis ahaan lagu bixiyo booska aad u tartameyso ka hor inta aadan wareysiga galin.

Hadda sideed ku ogaan kartaa qiyaasta mushaarka shaqada aad imtixaanka u mareyso?

Isticmaal labada website ee lagu ogaado xogtaas ee kala ah PayScale.com iyo GlassDoor.com.

Labadan website waxaa lagu aruuriyaa macluumaadka shirkadaha iyo qiimeynta mushaaraadkooda.

2- Mushaar ka yar midka ugu sarreeya: Marka aad soo ogaato tirada cel celis ahaan mushaarka lagu bixiyo booskan, dalbo mid xoogaa ka hooseysa tirada ugu sarreya.

Tusaale ahaan, haddii tirada celcelis ahaan lacagta lagu bixiyo shaqadaas iyada ah ay tahay inta u dhaxeysa $2,000 ilaa $7,000, qabso $6,000 oo doolar.

3- Muuji sababta: Marka aad tiro cayiman qabsato, raaci sharraxaad ku aaddan sababta aad ugu qalanto mushaarkaas aad carrabka ku dhufatay.

Marka aad wareysiga imtixaanka shaqada ku jirto ku dheh sidan: “Ka hor inta aanan kasoo qayb galin wareysigan maanta, waxaan sameeyay xoogaa cilmi baadhis ah oo aan ku ogaanayo mushaarka ay celcelis ahaan shirkaddan ku bixiso booskan.

“Tirada cel celis ahaan mushaarkaas waa inta u dhaxeysa $3,000 oo doolar ilaa $8,000 oo doolar. Inkastoo aan dareemayo in aan u qalmo lacag ka badan tan ugu sarreysa ee mushaar ahaan loogu bixiyo booskan, waxaan fahansanahay in aydaan i aqoonin ayna i saaran tahay mas’uuliyad aan ku caddeynayo qiimaha aan u qalmo.

“Sidaas darteed, waxaan ku qanacsanahay in la i siiyo musgaar dhan $7,000 oo doolar, waxaana aaminsanahay in dadaalkeyga shaqada iyo awoodda aan u leeyahay sare u qaadista horumarka shirkadda aad idunkuna awood ugu yeelan doontaan inaad durba aragtaan waxa aan kusoo kordhiyay maalgashigiinna.”

Xeeladahan haddii aad adeegsato waxaad fursad weyn u heysataa in lagaa dhex xusho dadka kale ee kugula tartamaya booskaas shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *