3 qaab oo ay raggu isu baddalaan marka ay Aabbe noqdaan

Sida aan ognahay, dumarka waxaa ku imaada isbaddal dhinaca maskaxda iyo dhinaca jirkaba ah marka ay uur yeeshaan ama carruur dhalaan.

Laakiin waxaa la ogaaday in ragga qudhooda uu isbaddal noocaasoo kale ah siyaabo kale ugu dhaco marka ay aabbeyaal noqdaan.

Rag badan ayaa marka ay carruurtooda dhashaan la kulma culeysyo isugu jira walwal ka dhasha mas’uuliyadda, jacayl xad dhaaf ah oo ay cunuga dhashay u qaadaan iyo waxyaabo la mid ah.

Isbaddallada ugu waaweyn ee nimanka aabbaha noqda ku dhaca waxaa ka mid ah:

1- Hamiga oo hoos u dhaca

Xaddi aad u badan oo hammiga raganimada ah ayaa qeyb muhiim ah ka qaata in ninka uu sameeyo isku dayo dhinaca shukaansiga ah, la tartamidda ragga kale iyo raadinta dumar uu la haasaawo.

Laakiin marka ninka ilmo loo dhalo wuxuu u muuqdaa in uu hamigaas hoos uga dhacay, dareenkiisa maskaxeed oo dhanna wuxuu isugu geeyaa qoyskiisa.

Daraasado la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in ragga horayba u heystay lamaaneyaasha ama carruurta leh ay ka hami yar yihiin kuwa wali iskaabulada ah.

2- Isbaddal dhanka maskaxda ah

Marka ugu horreysa ee raggu ay aabbe noqdaan waxay dareemaan isbaddalka maskaxeed ee dumarku ay arkaan inta ay uurka leeyihiin ilaa marka ay cunuggooda umulaan.

Qaabka uu aabbaha u wajaho waa in howlihiisa iyo fikirkiisa oo dhan kusoo koobo cunugga, waqtigiisa oo dhanna ku bixiyo sidii uu ula ciyaari lahaa ilmaha cusub.

Mararka qaar arrintan waxay horseeddaa walwal.

3- Walbahaar dheeraad ah

Mas’uuliyadda waalidnimada iyo fikirka mustaqbalka carruurta ayaa mararka qaar sababa walbahaar xoog leh.

Laakiin arrinta ugu daran ee khatarta keeni karta ayaa ah in raggu badankood ay dareemaan inaysan caawinaad u raadsan karin si wax looga qabto xaaladahaasoo kale.

Aabbeyaasha da’da yar waxay u maleeyaan in haddii ay garab raadsadaan ay niyad jabinayaan hooyada cunuga xilli ay iyada lafteeda u baahan tahay in la caawiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *