11 qaab oo aad isaga ilaalin karto cudurka sokorta (sokorowga)

Nooca loo yaqaanno type 2 ee cudurka sokorta ayaa ah kan ugu badan ee ku dhaca dadka, malaayiin qof oo ku nool caalamka ayaana la xanuunsan. 

Haddii qofka qaba sokorowga laga xakameyn waayo waxaa suuragal ah in ay kalyaha fariistaan, indho beel, wadne xanuun iyo xaalado kale oo halis ah.

Inta uusan cudurka sokorowga ku dhicin qofka waxaa jirta muddo ay heerarka sokorta ee dhiigga kor u kacaan laakiin aysan wali gaarin ilaa marxaladda sokorowga.

Xilligaas wuxuu jirku diyaar u yahay in wax laga qabto khatarta kusoo fool leh, waxaana loo baahan yahay in qofka uu si joogto ah ula socdo xaaladdiisa.

Halkan waxaan kusoo bandhigeynaa 11 qaab oo aad uga hortagi karto in uu kugu dhaco cudurka sokorta.

1- Yaree raashinka sokorta leh ee aad cunto

Si aad isaga ilaaliso cudurka, waa inaad iska yareyso raashinka sokortu ku jirto ama aad dhinto sokorta aad isticmaasho.

Tusaale ahaan shaaha marka aad cabeyso haku darsanin sokor badan.

Jirkaagu marka ay sokor badan soo gasho wuu jajabinayaa wuxuuna raacinayaa qulqulka dhiigga, taasina waxay sababeysaa in ugu dambeyn uu kugu dhaco xanuunka sokorga.

2- Samee Jimicsi joogto ah

Haddii aad maalin walba jimicsi sameyso waxaa kaa yaraanaya halista aad ugu jirto inuu kugu dhaco cudurka sokorowga ama macaanka, sida ay dadka qaar u yaqaannaan.

Isku day inaad hesho hab jimicsi oo aad awooddo, si aadan u joojinin ama u dhibsanin.

3- Cab Biyo badan

Biyaha waa waxa ugu fudud ee aad u qaadan karto si joogto ah, jirkaaguna uusan wax dhibaato ah ku qabin. Adiga ayaa lagaa doonayaa inaad badsato, xilliyada aad biyaha cabeysana asteysato.

Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, biyaha waxay dhaqayaan sokorta uusan jirku u baahneyn, taasoo ay kaadi ahaan uga saaraan.

4- Miisaanka iska dhin haddii aad cayilan tahay

Inkastoo dadka cayilan oo kaliya aysan ahayn kuwa uu ku dhaco cudurka sokorowga, noociisa type 2, haddana waa kuwa ugu badan ee la kulma.

Dadaal kasta u samee si aad cayilka isaga yareyso ama miisaankaaga u dhinto. Khubaradu waxay ku taliyeen in qof walba sida uu kiilooyinka jirkiisa u yareeyo ay ku xiran tahay sida uu uga sii fogaanayo cudurkaas halista ah.

5- Ha cabin sigaar

Haddii aad tahay qof sigaarka caba, iska jooji haddii aadan horay u cabi jirinna hadda kaddibna haku fakarin. Sababtoo ah sigaarku wuxuu kuu horseedayaa inuu kugu dhaco cudurka sokorowga, noociisa type 2.

Xanuunno kale oo badan ayaa lala xiriiriyay sigaarka, sida wadne xanuunka iyo kansarka noocyadiisa kala duwan.

Cilmi baaris dhowr ah ayaa lagu ogaaday in halistan ay xitaa gaareyso dadka aan sigaarka cabin balse qof caba uu ka ag dhow yahay sidaasna qiiqa ku qaata.

6- Raashin badan ha cunin.

Dadku waxay u badan yihiin in ay cunitaanka raashinka wadaan ilaa ay aad u dhargaan. Balse ogow arrintani inay leedahay khatar caafimaad. Calooshu marka ay dharagto uma wanaagsana qofka waxyaabaha uu ka dhaxli karana waxaa ka mid ah sokorowga.

Dharagta badan ayaa keenta in jirku uu aruursado sokor aad u badan oo durbadiiba sii raacda unugyada jirka.

7- Iska ilaali fadhiga badan

Waa muhiim inaad iska ilaaliso fadhiga badan haddii aad dooneyso inaad ka hor tagto inuu kugu dhaco cudurka sokorowga.

Ilaa 47 daraasadood ayaa lagu muujiyay in dadka maalinta inteeda badan fadhiga ku dhammeysta ay 91% ka mid ah halis ku dhacdo sokorta.

Si aad khatartaas uga badbaaddo, samee dhaqdhaqaaq isugu jira socod, shaqo iyo jimicsi noocyo kala duwan ah.

8- Cun raashin fiber ku badan yahay

Maaddada loo yaqaanno fiber-ka ee caloosha socodsiisa waxay ku badan tahay cuntooyinka cagaaran, sida khudaarta iyo canbuulada qeybaha kala duwan leh.

Raashinkan waa kan ugu wanaagsan ee aad isaga ilaalin karto inuu kugu dhaco cudurka sokorowga.

9- Badso Vitamin D

Vitam D wuxuu muhiim u yahay xakameynta sokorta dhiigga.

Dhaktarkaaga kala tasho inaad hesho wax walba oo kuu kordhinaya Vitamin D, sida dawooyin iyo raashinka laga helo maaddadaas.

10- Iska yaree raashinka lasoo warshadeeyo

Aad bay dadku u xiiseeyaan cuntooyinka lasoo baceeyo ee warshadaha soo mara. Laakiin raashinkaas waxaa lagu soo daraa kiimikooyin aad ka dhaxli karto xanuunno uu ka mid yahay cudurka sokorowga.

Intii karaankaaga ah cun raashin dabiici ah ama cusub oo dab la marsiiyay.

11- Cab Shaah iyo Coffee

Inkastoo biyaha la doonayo inay noqdaan cabitaankaaga aasaasiga ah, haddana waxaa fiican in shaaha iyo qaxwada aad joogteyso si aad u hesho cabitaan kala duwan.

Laakiin xaqiiji in aadan ku badsanin sokorta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *