10-kii magaalo ee ugu horreeyay Afrika (mid waxaa leh Soomaali)

Afrika waxay ka mid tahay meelihii ugu horreeyay ee uu bani’aadanku dagay, magaalooyinkana ay ka abuurmeen.

Taariikhyahannadu waxay sheegaan in magaalooyinkii ugu horreeyay ee Afrika ka abuurmay ay saldhig u ahaayeen ganacsiga caalamka iyo ilbaxnimada.

Meelo badan oo ka tirsan dunida ayaa looga soo safri jiray si looga adeegto, safarrada qaarna waxayba ahaayeen kuwo ku saleysan faafinta diinta.

Kuwani waa 10-kii magaalo ee ugu qadiimisanaa qaaradda Afrika.

10- Benin City

Waxay ku taallaa dalka Nigeria. Waxaa la aasaasay waqti lagu qiyaasay taariikhdu markii ay ahayd 300 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor (CS).

Baaxad ahaan waxay la egtahay 1,204km oo labo jibbaaran.

Shacabka ku nool tiradooda waa qiyaastii 1.5 milyan oo ruux.

9- Alexandria

Waxay ku taallaa waddanka Masar. Waxaa la aasaasay taariikhdu markii ay ku beegneyd 332 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Waxay ku fadhisaa dhul baaxaddiisu la egtahay 2,679 km oo labo jibbaaran.

Shacabka ku nool tiradoodu waa 5.2 milyan oo ruux.

8- Aksum

Waa magaalo ku taalla dalka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca waqooyi. Waxaa la aasaasay taariikhdu markii ay ku beegneyd 400 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Baaxad ahaan waxay la egtahay 1.25 million km².

Shacabka ku nool tiradoodu waa 66,800 qof.

7- Benghazi

Waxay ku taallaa dalka Liibiya. Waxaa la aasaasay taariikhdu markii ay ku beegneyd 525 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Dhulkeedu waa 314 km oo labo jibbaaran.

Tirada shacabkeedu waa 631,555 ruux.

6- Constantine

Waa magaalo ku taalla dalka Aljeeriya. Waxaa la yagleelay taariikhdu markii ay ku beegneyd 600 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Dhulka ay ku fadhiso baaxaddiisu waxay la egtahay 231.6 KM oo labo jibbaaran.

Dadka ku nool tiradoodu waa 464,219 ruux.

5- Tripoli

Waa magaalo madaxda dalka Liibiya. Waxaa la aasaasay xilli lagu qiyaasayo 700 BC, Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Dhulka ay ku fadhiso baaxaddiisu waa 1,507 km labo jibbaaran.

Tirada shacabka ku nool waa 3,072 milyan oo ruux.

4- Tangier

Waa magaalo ku taalla dalka Morocco. Waxaa la aasaasay waqti lagu qiyaasayo 800 BC Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Dhulka ay ku fadhiso baaxaddiisu wuxuu la egyahay 116 km oo labo jibbaaran.

Tirada shacabkeedu waa 947,953 ruux.

3- Berbera

Waa magaalo ku taalla Somalia (gaar ahaan dhulka hadda loo yaqaanno Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland).

Waxaa la aasaasay xilli lagu qiyaasayo 1,000 BC Dhalashadii nabi ciise ka hor.

2- Annaba

Waa magaalo ku taalla dalka Aljeeriya. Waxaa la aasaasay taariikhdu markii ay ku beegneyd qiyaastii 1,200 BC Dhalashadii nabi ciise ka hor.

Baaxadda dhulka ay ku fadhiso waa 49 km oo labo jibbaaran.

Tirada shacabkeedu waa qiyaastii 464,740 ruux.

1- Luxor

Waa magaalo ku taalla dalka Masar. Waxaa la aasaasay xilli lagu qiyaasayo 3,200 BC Dhalashadii nabi ciise ka hor (CS).

Baaxadda dhulka ay ku fadhiso waa qiyaastii 416 km oo labo jibbaaran.

Tirada shacabka ku nool waa 1.328 milyan oo ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *