10-ka atoore ee ugu taajirsan caalamka

Qaar ka mid ah jilayaasha filimada, in ay caan yihiin waxaa u sii dheer in ay hanti badanna sameeyeen. 

Warbaahinta Maanfur waxay warbixintan idiinku soo gudbineysaa 10-ka atoore ee ugu taajirsan jilayaasha adduunka, inkastoo liiskan ay warbaahinta qaar ku kala aragti duwan yihiin.

10- Bill Cosby

Kaalinta 10-aad waxaa ku jira Bill Cosby oo ah atoore u dhashay dalka Mareykanka. Cosby sidoo kale waa majaajiliiste ahna qoraa.

Wuxuu heystaa lacag dhan $400 million.

Xirfaddiisa waxay soo socotay ilaa 60 sano ka hor inta aysan maxkamad ku helin dambiyo kufsi la xiriira sanadkii 2018-kii. Da’diisu waa 83 sano.

Barnaamij ku saabsanaa xaqiiqda dhabta ah ee qoys Mareykanka madow ah oo la oran jiray Cosby Show ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu sarreeyay ee Mareykanka laga daawado intii u dhaxeysay 1985 ilaa 1989.

9- Jack Nicholson

Waa atoore u dhashay dalka Mareykanka, oo sidoo kale xirfaddiisa jilitaanka kusoo dhex jiray in ka badan 60 sano.

Jack wuxuu heystaa lacag dhan $400 million.

Wuxuu ka mid yahay atooreyaasha rug caddaayada ah ee loogu jecel yahay, uguna taageerada badan caalamka.

Filimadiisa caanka ah waxaa ka mid ah “One Flew Over Cuckoos’s Nest”.

8- Amitabh Bachchan

Waa atoore u dhashay dalka Hindiya, kana mid ah xiddigaha ugu caansan Bollywood-ka.

Waxa uu heystaa lacag dhan $400 million.

Amitabh Bachchan dadka qaar waxay ku tilmaamaan inuu yahay boqorka boqorrada Bollywood-ka, maadaama uu taariikh dheer ku leeyahay xirfadda jilitaanka ee Hindiya.

Inkastoo uu filimo aad u badan soo jilay, kuwooda ugu caansan waxaa ka mid ah “Sholay, Deewar, Kabhie Khushi Kabhie Gham iyo Pink”.

7- Adam Sandler

Waa atoore u dhashay dalka Mareykanka sidoo kalena majaajiliiste ah.

Waxaa aad loogu yaqaannaa xirfaddiisa majaajilada.

Adam Sandler waxa uu heystaa lacag dhan $420 million.

6- Mel Gibson

Waa atoore u dhashay Mareykanka ahna filim soo saare. Wuxuu caan ku yahay jilitaanka filimada dagaalka iyo sirdoonka.

Gibson oo ka mid ah atooreyaasha ugu taajirsan caalamka waxa uu heystaa lacag dhan $425 million.

Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah musalsalka “Mad Max” iyo Musalsalka “Lethal Weapon”.

5- George Clooney

Waa atoore u dhashay Mareykanka oo sidoo kalena ah filim soo saare.

Waxa uu heystaa lacag dhan $500 million.

Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah “Ocean’s Eleven”, “Three Kings” iyo “Syriana”.

4- Tom Cruise 

Atoorahan u dhashay dalka Mareykanka wuxuu ka mid yahay halyeeyada Hollywood-ka ee hadda la siiyo lacagta ugu badan marka ay filimada jilayaan.

Wuxuu heystaa lacag dhan $600 million.

Tom Cruise filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah “Mission Impossible”, “Knight and Day”, “Minority Report”, “Top Gun” iyo “Vanilla Sky”.

3- Shah Rukh Khan

Waa mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan Bollywood-ka Hindiya.

Atoorahan oo dadka filimada dalkiisa ku xeel dheer ay ku naaneysaan “Boqor Khan” wuxuu caan ku yahay filimada jacaylka.

Waxa uu heystaa lacag dhan $690 million.

Laga soo billaabo 1989-kii waa xiddig ka dhex muuqda Bollywood-ka, wuxuuna jilay filimo aad u badan oo ay ka mid yihiin; “Dilwale Dulhania Le Jayenge”, “Dil Se”, “Kal Ho Na Ho”, Kabhie Kushi Kabhie Gham” iyo “My Name Is Khan”.

2- Jerry Seinfeld 

Waa majaajiliiste u dhashay Mareykanka sidoo kalena ah atoore.

Goor dhow ayuu kusoo biiray liiska atooreyaasha ugu taajirsan caalamka.

Waxa uu heystaa lacag dhan $950 million.

Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah musalsalka “Curb your Enthusiasm” oo socday 2004 ilaa 2009.

1- Tyler Perry

Jilaagan u dhashay dalka Mareykanka, sidoo kalena filim soo saaraha ah waa atooraha ugu taajirsan caalamka, sida lagu sheegay xogta sanadlaha ah ee wargeyska Forbes oo ka faallooda hantida.

Waxa uu heystaa lacag dhan $1 billion.

Filimadiisa ugu waaweyn waxaa ka mid ah; “Daddy’s Little Girl”, “Why Did I Get Married” iyo “Diary Of A Black Woman”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *