- Daacadnimadu aad bay muhiim ugu tahay xiriirka jacayl ee lamaaneyaasha, in gabadhu ay daacad ahaatana waa aasaaska ugu qiimaha badan.
Marka ay haweeenydu daacad tahay waxay xiriirkeeda u maareysaa si ka duwan hablaja kale, ninka la haasaawana kalsooni buuxda ayuu ku yeeshaa.
Inta badan waxaa la sheegaa in dumarka noocan ah ay yihiin dhif iyo naadir, sida lagu helana ay adag tahay.
Haddii ay tobankan dabeecadood leedahay waa gabadha dahabiga ah ee ku haboon nolosha.
1- Iskuma daydo inay maseyr ku abuurto lamaanaheeda
Gabadha daacadda ah waqti kuma bixiso inay sameyso xeelado jahwareer ah ama ficillo ay maseyr ku galin karto ninka ay xiriirka la wadaagto.
Ma raadiso qaabab khaldan oo ay kusoo jiidato gacaliyaheeda sababtoo ah way isku kalsoon tahay.
2- Kama baqdo inay ra’yigeeda soo bandhigto
Gabdhaha daacadda ah ma qarsadaan fikitka ay ka qabaan xaaladda markaas taagan ee ku saabsan xiriirkooda haasaawe.
Waxay ku dhiirradaan inay soo badhigaan ra’yiga ay ka qabaan, kama cabqadaan inay muujiyaan waxa ay aaminsan yihiin iyo in ay miiska soo saaraan su’aalo adag.
3- Iskama dhigto qof aysan ahayn
Gabadha daacadda ah ma sameysato waji aan ahayn keeda saxda ah si ay farxad been abuur ah u galiso qofka ay xiriirka wadaagaan.
Way taqaannaa waxa ay rabto wayna ogtahay qiimaha uu leeyahay xiriirkeeda haasaawaha.
4- Inaysan ka cabsaninin inay keli noqoto
Mid ka mid ah sababaha dumarka daacadda ah ay u yihiin muhiimka waa in mara
Ujeeddada ay shukaansiga u sameyso ma aha inay mar walba qof heysato, kamana cabsato inay keli noqoto.
5- Waa qof dadaal badan
Dumarka daacadda ah rajo fiican ayay ka leeyihiin waxa ay sameynayaa.
Marka ay xiriir haasaawe la leeyihiin nin waxaa ka ho’an inay ka miro dhaliyaan oo aysan ku hungoobin.
6- Kama cabsato inay dhahdo ‘Maya’
Qofka daacadda ah wuu caddeeyaa mowqifkiisa marka loo sheego wax uusan raali ka ahayn.
Gabadha noocan ah lamaanaheeda kuma raacdo fikradaha aysan ku qanavsaneyn. Way u sheegtaa waxa aysan dooneynin inay aqbasho, waxayna ka fishaa inuu ixtiraamo go’aankeeda.
7- Isma amaanto
Gabadha daacadda ah iskuma tilmaanto wax aysan ahayn, guulaha ay gaartayna kuma faahto.
Dadka daacadda ah oo dhan ma buunbuuniyaan waxyaabaha ay u sameeyaan dhinaca horumarka.
8- Way qaadataa mas’uuliyaddeeda
Haweeneyda daacadda aj waxay mar walba dusha u ridataa mas’uuliyadda wax walba oo ka imaada dareenkeeda iyo ficilladeeda.
Tusaale ahaan marka uu khalad dhankeeda ka imaado iskama indha tirto in xalkana laga sugayo isla iyada dhinaceeda.
9- Runta ayay sheegtaa
Gabadha daacadda ah kama gabato inay runta sheegto wax kasta oo taagan. Sidoo kale runtaas xitaa haddii ay kharaar tahay kama cabsato, kumana macaaneyso wax yar oo aan xaqiiqo ahayn.
Qofka daacadda ah wuxuu daryeelaa dadka u dhow beenna uma sheego.
10- Ma wajiyo badna
Haweeneyda daacadda ah waxay leedahay hal dabeecad iyo hal dhaqan oo aan isbaddalin.
Qof walba oo aan daacad ahayn ayaa lagu yaqaannaa in loogu imaado waji aan ahayn kii looga tagay.
Gabadha sifada wanaagsan leh waxay si joogto ah u daryeeshaa xiriirkeeda, horumarkiisa ayayna ka shaqeysaa.