8 cabitaan oo caloosha lagu yareeyo

Dad badan waxay ka niyad jabsan yihiin waddooyinka loo maro iscaateynta, gaar ahaan gubitaanka culusta, maadaama ay u maleeyaan inay aad u adag tahay.

Qormooyin badan oo arrintan laga sameeyay marka aad aqrisato way kula noqoneysaa in aan loo bareeri karin talooyinka lagu siiyo.

Mid ka mid ah qaababka ugu muhiimsan uguna saameynta badan ee lagu taliyo waa jimicsiyada noocyayada kala duwan, balse ma sahlana inuu qof howshaas adag joogteeyo.

Haddaba ka warran haddii aad hesho hab adigoo hurdaya ay calooshaada xeyrta uga gubaneyso ama jirkaaga uu hilibka uga yaraanayo?

Khubaro seynisyahanno ah ayaa sameeyay liiska cabitaanno baruurta guba haddii la cabo marka lasii seexanayo.

1- Qajaarka oo cabitaan laga dhigay

Qajaarka oo la shiiday wuxuu ka mid yahay cabitaannada la isku caatreyo | Image credit: Viktar Malyshchyts | Shutterstock

Cabitaan laga shiiday Qajaarka oo aan wax kale lagu darin ayaa qeyb ka ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee xulusta caloosha guba.

Xoogaa biyo ah ku dar haddii uu qajaarku aad u adkaado marka aad shiiddo.

Qajaarka way ku yartahay maaddada sokorta, waxaana ku badan maaddada cuntada shiidda.

Cab inta aadan seexanin ka hor marka aad sariirtaada tageyso.

2- Liin dhanaan

Faa’iidooyinka liin dhanaanta waxaa ka mid ah yareynta caloosha | Image Caredit: Emedi Health

Ma aragtaa in biyo iyo jeex liin dhanaan ah laguu keeno marka aad joogto makhaayadaha qaar?

Arrintaas waxaa looga gol leeyahay in lagaa caawiyo yareynta xulusta caloosha oo aan wax caafimaad ah ku jirin.

Daraasad lagu daabacay wargeysyada Journal of Ayurveda iyo Integrative Medicine ayaa lagu sheegay in dadka liin dhanaanta qasta maalintii afar jeer ay si xad dhaaf ah u dhimaan miisaankooda.

Habeen kasta dhowr xabo oo liin dhanaan ah biyo yar ku miiro oo cab ka hor inta aadan sariirtaada tagin.

Aad bay u fiican tahay marka aad liin dhanaanta ku darto xoogaa qajaar ah, inkastoo qajaarkana uu iskiis u wanaagsan yahay.

3- Kabsar caleenta

Xitaa Kabsar caleentu waxay cuntada u gali kartaa booska cusbada | Image Caredit: Medical News Today

Kanina waa geed kale oo si cajiib ah uga qeyb qaata dheef shiidka caloosha islamarkaana jirka ka saara sunta.

Kabsar caleentu waxay wax tar weyn u leedahay jirka, waxayna xitaa gali kartaa booska cusbada.

Haddii lagu daro liin dhanaan iyo qajaar kaddibna la isku shiido waxay qofka caba ka jareysaa caloosha.

4- Sanjabiil Shaah lagu sameeyay

Tijaabi shaah sanjabiil leh si aad u aragto waxtarkiisa dhinaca iscaateynta | Image Caredit: Healthline

Horay waa loo ogaa in sanjabiishu ay leedahay faa’iidooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, laakiin daraasad lagu daabacay wargeyska arrimaha seyniska ee Annals of the New York Academy of Sciences ayaa lagu ogaaday in ay sidoo kale deg deg u dhimi karto miisaanka jirka.

Sida ugu haboon ee loo adeegsan karo waa in biyo lagu karkariyo oo sokortana lagu yareeyo.

Wax yar oo caleen ah waad ku dari kartaa mararka qaar si ay u noqoto shaah aad la qabsan karto cabitaankiisa.

Sida aan korba kusoo sheegnay, waqtiga ugu haboon waa marka lasii seexanayo.

5- Cananaaska

Cananaaska wuxuu ka mid yahay cabitaannada la isku caateeyo | Image Credit: LOVE_STUDIO/SHUTTERSTOCK

Cabitaanka laga sameeyo Cananaaska wuxuu kuu xoojinayaa dadaalkaaga is caateynta.

Meesha ugu horreysa ee uu abaarayana waa xulusta caloosha maadaama uu leeyahay maaddooyin jirka sunta ka saara dheef shiidkana dardar galiya.

Sida ugu fiican waa in la shiido oo wax yar oo liin dhanaan ahna lagu daro.

Laakiin sidoo kale waad ku cuni kartaa si caadi ah marka aad jeex jeexdo qolofka korena ka fiiqdo.

Maaddooyinka kale ee ku jira waxaa ka mid ah fiber oo jirka ka caawisa ka hor tagga calool istaagga.

6- Shaaha laga sameeyo caleenta cagaaran 

Shaaha cagaaran waxaa ku xeeran macluumaad badan | Image Credit: taa22 / Shutterstock

Caleenta laga sameeyo shaaha cagaaran waa isku dar kiimiko oo aan la fahmi karin. Xitaa khubaradu way ku kala aragti duwan yihiin faa’iidooyinka ay leedahay.

Laakiim daraasad ay seynisyahanno reer Japan ah ku daabaceen wargeyska Nutrients sanadkii 2017-kii ayay ku sheegeen in cabitaanka caleenta cagaaran laga helo hurdo fiican.

Markii ay hurdadaadu fiican tahay waxaa si wanaagsan u shaqeynaya dheef shiidkaaga waxaan taas ku imaanaya in jirka uu durba iska bixiyo sunta islamarkaana miisaanku uu is dhimo.

7- Cabitaanka Apple Cider Vinegar

Faa’iidooyin badan ayuu leeyahay cabitaanka loo yaqaanno Apple Cider Vinegar | Image Credit: asweet peachef

Khubarada caafimaadku waxay wax tar badan ku tilmaaneeb cabitaanka loo yaqaanno Apple Cider Vinegar, ha ahaado mid si dabiici ah aad u sameysatay ama mid laga soo gaday suuqa.

Dad badan ayaa tijaabiyay oo xaqiijiyay in uu si weyn uga qeyb qaato dhimista miisaanka marka uu qofku is caateynayo.

Meelaha uu sida ugu fudud u saameeyo waxaa ugu horreya xulusta. Waxaa kale oo uu jilciyaa caloosha.

8- Starwberry

 

Strawberry wuxuu leeyahay noocyo kala duwan | Image Credit: Yates

Cabitaanka Strawberr-ga noocyadiisa kala duwan wuxuu kaalin ka qaataan dhismista baruurta jirka.

Marka laga soo tago taas, faa’iidooyinkiisa kale ee dhinaca caafimaadka waxaa ka mid ah ka hortagga cudurrada kansarka iyo wadne xanuunka, sida lagu sheegay daraasad lagu daabacay wargeyska Journal of Medicinal Food.

Laakiin dhulkeenna kama baxo geedkan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *