10 arrimood oo xal u noqda khilaafka ninka iyo xaaskiisa

Waa wax caadi ah in mararka qaar ay lamaaneyaashu isku dhacaan, laakiin su’aashu waxay ka taagan tahay, sidee lagu xallin karaa.

Qaabab kala duwan ayaa lagu raadiyaa xalka, inkastoo dadku ay aragtiyo kala duwan leeyihiin.

Hase yeeshee waxaa habboon in marka horeba ay lamaanuhu sii sameystaan xeer ku aaddan sida loo wajihi karo haddii uu isku dhac yimaado.

Tobanka arrimood ee hoos ku xusan waxay kaalin weyn ka qaadan karaan in laga gudbo marxalad khilaaf ah oo ay dhex galaan nin iyo xaaskiisa.

1- Isdaji

Labada qof waxay u baahan yihiin inay xasilaan oo ay iska qaboojiyaan xanaaqa si aysan xaaladda faraha uga sii bixin.

Wax ku dajin kara samee, sida inaad labo rakro oo sunno ah tukato ama inaad xoogaa soo socoto bannaanka.

Markii aad kulushahay waxaa sahlan inaad ku dhawaaqdo erayo aad ka qoomameyn doonto.

Marka aad aragto inay xaaladdu xumaatay, islamarkiiba ka ka dalbo lamaanahaaga inaad u baahan tahay waqti aad ku dagto.

2- Khaladkaaga qaado

Waa inaad mas’uul ka noqoto ficilladaada iyo erayadaada. Ma habboona inaad qofka lamaanahaaga ah ku eedeyso sababta aad u carootay iyadoo laga yaabo in markii hore aad sameysay ficil khilaaf abuuri kara ama ku dhawaaqday erayo aan habbooneyn.

Ma jiro qof kugu khasbi kara inaad sameyso wax aadan dooneynin. Caddaaladna ma aha inaad khaladaadkaaga daboosho.

Fadlan iska ilaali inaad qeyliso ama albaabada xoog isugu dhufato si uusan khilaafka aad ugu sii weynaanin.

3- Inta aad hadleyso in ka badan wax dhageyso

Inaad wax dhageysato aad bay u adag tahay marka aad muran dhexda uga jiro. Laakiin waa qodob lagama maarmaan ah oo saldhig u noqon kara xallinta khilaafka idin dhex yaalla.

Haddii aad dhageysiga waqti siiso waxaa daciifaya xanaaqa.

4- Isku day inaad fahanto fikradda lamaanahaaga

Mararka qaar cilladda ugu weyn waxay ka imaataa isfaham darro. Waxaa suuragal ah inuu khilaafku ka dhasho wax sidii loo waday si aan ahayn loo fahmay.

Haddaba si aysan taasi u dhicin, ku dadaal inaad fahanto aragtida xaaskaaga/ninkaaga ee ku aaddan arrinta la isku qabtay.

5- Haku mashquulin mowduucyo kale

Waa muhiim in lagu dhex jiro mowduuca uu khilaafku ka dhashay si deg deg loogu gaaro xalkiisa.

Balse arrintu way sii xumaaneysaa haddii lagu soo dhex daro mowduucyo kale oo aan meesha oollin.

6- Iska ilaali magacyada qallafsan

Mararka qaar waxaa khilaafka faraha ka bixiya in labada qof ay isugu yeeraan magacyo laga caroodo oo aflagaaddo ka dhigan.

Kuwa ugu xun xun waxaa ka mid ah: doqon, qurux, xayawaan iyo kuwo kale oo badan.

7- Ha adeegsanin erayada “abid” ama “Mar walba”

Xilliyada ay lamaanaha isku qabtaan arrimaha nolosha qaarkood, ma fiicna in qof labadooda ka mid ah uu qodobkaas u adeegsado erayada aan xusnay.

Iska ilaali inaad lamaanahaaga ku dhahdo, “waxaas iyo waxaas abid uma aadan sameynin” ama “Mar walba waxaas iyo waxaas ayaad sameysaa”. Xaaladda haku ekaato markaas waxa taagan oo kaliya.

8- Xushmad muuji

Aasaaska xiriir walba waa xushmadda. Haddii aadan qaddarinin lamaanahaaga xiriirkaagu wuxuu ku socdaa waddo khaldan.

Xushmaddu waxay labadiinnaba idinka caawineysaa inaad xal u heshaan khilaafaadka yar yar ee idin soo kala dhex gala.

9- Meesha ha keenin muranno hore

Sida aan kor kusoo xusnay, ka fogow wax ka baxsan doodda markaas taagan, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay xal deg deg ah.

Waa laga habboon yahay inaad soo qufto doodo hore oo laga soo heshiiyay, xitaa haddii ay khuseeyaan mowduuca markaas taagan.

10- Haddii loo baahdo, doodda mar kale dhammeystira

Marka ay xaaladdu kululaato, abada dhinacba haku baraarugaan in la hakiyo, haddii ay lagama maarmaan tahayna ha dhammeystiraan mar kale oo aysan xanaaqsaneyn.

Diiradda wada saara in arrin mar kicisay muran iyo khilaaf aysan mar labaad soo noqonin. lamaaneyaasha qaarkood waxay qoraallo ka sameeyaan khilaafaadka si ay uga ilaaliyaan noloshooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *